Ereyga Maanta: jaw
sool  Hawd oommane ah.
soolaji  (baay.) Barashada cilmiyeysan ee xayawaanka marka lagu daro anatomi-gooda, fisiyoolajigooda, bayokiimiko ahaan, hiddo barasho ahaan, ekoolojigoo-da, tadawurkooda iyo asowgooda.
soolane  S. ah: 1. Nin aan xaas lahayn. 2. S. ah: shaah sonkortu ku yartahay.
soomaali1  Luqadda soomaalida u gaarka ah. soomaali2  Dadka Soomaaliya deggen ama ku hadla af-soomaaliga. soomaalinnimo  Soomaali ahansho.
soomaaliyayn  eeg soomaalyee.
soomaaliyee  Soomaali ka dhigid.
soomaaliyoobid  eeg soomaaliyow.
soomaaliyow  Soomaali noqosho.
soomaggale  Geedgaab laamo iyo caleemo dhuudhuuban oo duf cadi ku rogan tahay leh, kana mid ah dhirta wax lagu daaweeyo. ld soome, soone.
soomal  Midab caddaan furan ah oo geela iyo iwm. yeeshaan.
soomal-may  Midab caddaan iyo guduud furan isugu jira oo geelu yeesho.
soomaliyayn  eeg soomaaliyee.
soome  ld soomaggale.
soomi  Nafley cunta u diidid.
soomid  eeg soon².
soomiir  ld suummiir.
soomin  eeg soomi.
soomman  Qof soon ku jira ahaansho.
soommanaan  eeg soomman. ld soommanaansho.
soommanansho  ld soommanaan.
soon1  1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi. soon2  Soon gudasho. soondheere  Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
soone  Meel; gobol.
soonfur  Bilaha dayaxa oo soomaalidu tirsato tooda tobnaad ee u dhexeysa soonqaad iyo sidataal.
soonge  Doqon; nacas.
soongur  Nafley yar oo dabada dhogor badan ku leh oo dabagaallaha u eg. ld saangur.
soonqaad  Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad oo u dhexeysa soondheere iyo soonfur lana soomo.
page : 103 of 118
<< < 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 > >>