Ereyga Maanta: geedamaal
soofsi  ld foofsasho.
soofso  ld foofso.
soog1  1. Duleedka meel la deggan yahay oo loo kor-tago. 2. S. ah: qof dhuuban oo xoog leh. 3. S. ah: xarig xooggan. soog2  Wax qotomin. soogaan  ld suugaan.
soogan  1. Cid meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Qof dhuuban oo xoog leh ahaansho.
soogid  eeg soog².
soognaan  eeg soogan. ld soognaan-sho.
soognaansho  ld soognaan.
sooh1  S. ah: xarig aan tidac ahayn oo laba dhudood ka samaysan. sooh2  1. Wax miiqid. 2. Wax isku tidcid. sooh-barar  (daaw.) Badashada cabbirka sooh ama xubin oo ay keentay ballaara-shada unugyada, oo aanan ka iman bada-shada unugyada sida burada iwm. Muru-qyadu way weynaadaan haddii shaqo ba-dan lagu qabto.
sooh-baruured  (daaw.) Sooh mayrax leh oo baruuri ku dheehantahay - (packled).
sooh-guran  (daaw.) Baabi'idda ku dhacda xubin ama sooh si caadi ah u koray oo ay sababna u tahay unugyada oo ka dhammaada waxayna iman kareysa xaalad nafaqo darro, isticmaal la'aan ama gabow.
soohan  Waax la soohay ahaansho.
soohasho  eeg sooho.
soohdimayn  eeg soohdimee.
soohdimaysasho  eeg soohdimayso.
soohdimayso  Dhul soohdin u samaysasho.
soohdimee  Dhul soohin u samayn.
soohdin1  Seere, xad. soohdin2  (xis.) Xaddeyn ama xannibaad lagu sammeeyo dambeedka fansaar. Soohdin sare waa tirada U, taas oo f(x)_l dhammaan x-yada kujira horaadka. Tusaale ahaan, haddii f(x)=sinx markaa +1 waa soohdin sare iyo -1 waa soohdin hoose. soohdin-diiran  (c.cimi.) Xariiqda xadka ee dhulka oogadiisa oo u dhaxaysa cuf horumaraya oo hawo diiran ah iyo hawada qabow ee ay ka kacayso.
soohid  eeg sooh².
soohnaan  eeg soohan. ld soohnaan-sho.
soohnaansho  ld soohnaan.
sooho  Xarig sooh ah samysasho.
soojeed1  1. Habeenka oo aan la seexan. 2. Habeen dhan oo allabari lagu soo jeedo. 3. (-dyo, m.dh) Aqallada iwm dhankooda suuqyada u jeeda. 4. Oogada dadka, dhanka wejiga iyo laabtu ku yaaliin. soojeed2  Habeen hurdo seegid. soojeedid  eeg soojeed².
page : 102 of 118
<< < 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 > >>