Ereyga Maanta: sibirayn
tugumbeyn  eeg tugumbee.
tugumbo  Faraha gacanta oo hoos isku duuban oo wax loogu dhufto; tantoonyo.
tuhman  Wax la tuhmay ahaansho.
tuhmanaan  eeg tuhman. ld tuhmanaansho.
tuhmanaansho  ld tuhmanaan.
tuhmee  ld tuhun².
tuhmeyn  ld tuhmid.
tuhmeysii  Cid tuhun ku abuurid.
tuhmeysiin  eeg tuhmeysii.
tuhmid  eeg tuhun². ld tuhmeyn.
tuhun1  Shaki; male; bidaal; dareen. tuhun2  Ku t.: fal inuu dhacay malayn. tuhunsan  Cid wax tuhun ku jiro ahaansho.
tuhunsanaan  eeg tuhunsan. ld tuhunsanaansho.
tuhunsanaansho  ld tuhunsanaan.
tuhunsii  Cid tuhun ku abuurid.
tuhunsiin  eeg tuhunsii.
tuji  1. (dii.) Dad dukanaya imaan u noqosho. 2. ld tu'i. ld duji, tuki.
tujin  1. ld dujin, dujis, tukin. eeg tuji. 2. ld tu'in.
tujis  ld tujin.
tukad  ld tukasho.
tukadhaamis  Qaajer.
tukahariye  Riciraha tunka oo u dhexeeya afweynta iyo araxda.
tukallalmis  Geed miracaska ka mid ah; odajecel.
tukanuug  Hal hebed ah oo qof kasta iska maali karo; hayaaye. ld tukenuug.
tukasho  eeg tuko. ld dukad, dukasho, tukad.
tuke  Shimbir madow oo hilibka cuna.
tuke-ku-xaar  Kuruska geela meesha ugu sarreysa oo baarka ku yaal; haadfuul.
tukenuug  ld tukanuug.
tukhaan  Dhiqle. ld kutaan.
page : 52 of 60
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>