Ereyga Maanta: gurguurto
warwar1  1. Samayo dhuudhuuban oo dhallintu isku riddo oo gabbashada ku barato. 2. Nooc waran oo dheer. warwar2  ld walwal². warwari  ld walwali.
warwarid  ld walwalid.
warwarin  ld walwalin.
warwarsan  ld walwalsan.
warwarsanaan  ld walwalsanaan.
warwarsanaansho  ld walwalsanaan.
warxungee  1. Jaad ka mid ah jaadadka caarada oo waa weyn, sun aad u xun ayuuna leeyahay. 2. Diradiraale; basaas; gogle; jaajuus.
warxunsheeg  Qofka warka xun buunbuuniya.
waryaa  (w. waryaaya) Erey lala hadle labood ah dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld ar, aryaa, waar, war³, waryee.
waryaaya  eeg waryaa.
waryahaad  Afarta nooc ee xoolaha la dhaqdo ah, geela, lo'da, ariga iyo gammaan-ka; meesi.
waryee  ld waryaa.
waryeelasho  eeg waryeelo.
waryeelo  Ku w.: wax yar oo aan nafac lahayn ku eedoobid.
waryoon  W. ah: safar aan joogsi iyo nasiinyo lahayn.
was  Nin naag u galmood.
wasaarad  Qaybaha waaweyn ee taliska dawlad u qaybsamo oo wasiir u madax yahay middood; wasaaro.
wasaaro  ld wasaarad.
Wasaasin  Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado. ld wasaaso.
Wasaaso  eeg Wasaasin.
wasaayad  1. Dardaaran qoran. 2. Wakiilashada cid la wakiisho. ld wisaayad.
wasac  W. ah: meel aan ciriiri ahayn. ld waasac.
wasakh  Uskag; dhusuq.
wasakhayn  eeg wasakhee.
wasakhaysan  Wax wasakh leh ahaansho.
wasakhaysnaan  eeg wasakhaysan. ld wasakhaysnaansho.
wasakhaysnaansho  ld wasakhaysnaan.
wasakhee  Wax wasakh gaarsiin.
page : 25 of 40
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>