Ereyga Maanta: hirqad
waxbeerid  Wax abuurid, wax beerid.
waxee  Wax hagaajin; samayn.
waxgal  W. ah: wax waxtara ama muhimad leh; waxtar.
waxgalmo  Waxtarmo.
waxgarad  1. Qof garaad ama caqli leh; waxyaqaan. 2. Dad garaad leh.
waxgaradnimo  Caaqilnimo; waxgarasho.
waxmatare  Qof aan karti iyo waxqabad lahayn.
waxoogaa  W. ah: wax tiro ahaan aan badnayn. ld xoogaa.
waxqabad  Karti wax lagu fuliyo. ld waxqabasho.
waxqabasho  ld waxqabad.
waxsheeg  ld waxsheegid.
waxsheegid  1. Hadlid. 2. Hamasho. ld waxsheeg.
waxshi  ld waxash.
waxshinnimo  ld waxashnimo.
waxsoosaar  1. (dhaq.) Tirada wixii ka soo baxa warshadaha, beeraha, xoolaha, iwm. 2. (dhaq.) Natiijada waxqabad hawleed kasta. ld waxsoosaarid.
waxsoosaarid  Awoodda waxqabad ee wax leeyihiin. ld waxsoosaar.
waxtar  1. Qiimaha isticmaal ee wax leeyihiin. 2. Nafaqada raashin laga helo. 3. W. ah: nafley waxqabad leh. 4. ld waxtarid.
waxtarid  Waxgalmo. ld waxtar, wax-tarmo.
waxtarmo  ld waxgalmo, waxtarid.
waxwadaqabsi  Isu kaashiga dad isu kaashadaan in ay hawl wadajir u qabsadaan.
waxwalbaale  W. ah: wax jaadad badan leh.
waxyaabo  eeg wax.
waxyaalo  eeg wax.
waxyaqaan  waxgarad.
waxyeel  ld waxyeelid.
waxyeelid  Dhibaato u geysashada cid dhibaato loo geysto.
waxyeellayn  eeg waxyeellee.
waxyeellaysan  Wax la waxyeelleeyey ahaansho.
waxyeellaysnaan  eeg waxyeellaysan. ld waxyeellaysnaansho.
waxyeellaysnaansho  ld waxyeellays-naan.
page : 28 of 40
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>