Ereyga Maanta: jaw
waxyeellee  Cid waxyeello gaarsiin.
waxyeello  Dhibaato.
waxyi  Farriin uu Alle u soo dhiibo ambiyadiisa.
waxyoo  Ilaah waxyi cid wax ugu sheegid.
waxyood  eeg waxyoo.
way  Eray lagu muujiyo xanuun ama oggolaashadarro.
wayaakayn  eeg wayaakee.
wayaakee  Hanti xoolo nool ah siin.
wayaako  Hanti xoolo nool ah oo aan badnayn; wayaqaal.
wayaayin  Meel bannaan ah oo aan dhir lahayn.
waydaar  Waddo yar.
wayeeloobid  eeg waayeelow. ld waayeelid.
wayig  Ka w.: wax la samayn lahaa ka naafasho. ld wayigo.
wayigasho  ld wayigid.
wayigid  eeg wayig. ld wayigasho.
wayigo  Ka w.: wax la samayn lahaa ka naafasho. ld wayig.
wayooko  Meel lagu gabbado, lagu dhuunto.
wayqaal  Wayaako.
waytamid  eeg waytan.
waytan  Ciil dartii way ku celcelin.
webi1  Biyo xoog leh oo durudur iyo togba ka weyn oo aan badanaa go'in. webi2  (juqr.) Durdur biyo macaan ah kaasoo ugu yaraan qayb sannadka ka mid ah ay ka weyntahay dur dur yar, waxayna martaa kanaal dabiici ah, oo ay dhinacyada ka xadeeyaan qarar, kuna shubma badda ama xaro, ama webi kale. webi3  1. Cid wax u diyaarin. 2. Cid qaddarin la'aan u muujin. webin  eeg webi².
webis  Nooc cawska ka mid ah oo lo'du daaqdo aadna ugu cayisho.
wecel1  ld wacal¹. wecel2  ld wacal². wed1  Geeri; dhimasho. ld wad. wed2  Wax dilid. wedder1  ld waddarid.
page : 29 of 40
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>