Ereyga Maanta: gurguurto
wasakhoobid  eeg wasakhow.
wasakhow  Wax wasakh leh noqosho.
wasan  Wax la wasay ahaansho.
washaaqo  Dhul biyabaxo ah oo ceelal gaaggaaban laga qoto. ld warshaaqo.
washensi  Badow; qashiin.
washir1  ld washirid. washir2  Doonni, markab ama gaadiid kaloo badeed samayn ama dhisid. washiran  Wax la washiray ahaansho.
washirid  eeg washir². ld washir¹.
washirnaan  washiran. ld washir-naansho.
washirnaansho  ld washirnaan.
wasid  eeg was.
wasiilo  Wax wax kale loogu dhowaado ama lagu gaaro.
wasiir1  Qof wasaarad u madax ah. wasiir2  Ubad; dhal; carruur; ilmo. wasiirnimo  Wasiir ahaansho.
waslad  In yar oo is-haysata; cad (hilib).
wasladayn  eeg wasladee.
wasladee  1. Hilib waslado u jarjarid. 2. Wax qaybo u jarjarid.
wasmo  Galmo; isutag.
wasnaan  eeg wasan. ld wasnaansho.
wasnaansho  ld wasnaan.
wastaad  Macallinka daaraha dhisa.
wastaadnimo  Wastaad ahaansho.
waswaas1  Shaki; isla-hadal; laballaabow. ld wiswis¹. waswaas2  Qof wax uu samayn lahaa ka shakiyid. Tus. “Cali muufadii uu lahaa buu ka waswaasay”. ld wiswis². waswaasi  Cid waswaas ku abuurid. ld wiswisi.
waswaasid  eeg waswaas². ld wiswisid.
waswaasin  eeg waswaasi. ld wiswisin.
watabbiir  Caano raagay oo aad dhanaan u noqday.
page : 26 of 40
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>