Ereyga Maanta: Diilalyo
wareeq  (xis.) Fogaanta ku dul meeran shaxan kasta oo oodan. Waxa kale lagu qeexaa dhererka xood oodan. Xoodkaasoo noqon kara siman sida goobo ama qabaal ama xood googo'an sida geesoole.
wareer1  Madax-xanuun; madaxwareer. wareer2  1. Cid madax-xanuun dareemid. 2. Cid dayoobid. wareeri  Cid wareer ku ridid.
wareerid  eeg wareer².
wareerin  eeg wareeri.
wareersan  Wax wareeray ahaansho.
wareersanaan  eeg wareersan. ld wareersanaansho.
wareersanaansho  ld wareersanaan.
wareershe  1. Xarig jeegada iyo tuurinka isu haya oo neef geel ah oo ilmo lagu sidkayo lagu xiro. 2. Suuman la qurxiyey oo fardaha madaxa loo geliyo.
warfaafin  Baahinta dadweynaha war loo baahiyo. ld warfidin.
warfi  1. Wax inta gacanta lagu qabto wareejin. 2. Wax tuurid.
warfid  eeg waraf². ld werfid.
warfidin  ld warfaafin.
warfidiyeen  Dad wargeysyo qora.
warfin  eeg warfi.
wargal  W. ah: qof warkiisa lagu kalsoonaan karo.
wargalnimo  Wargal ahaansho.
wargee  U w.: war cid kale u tebin ama gaarsiin.
wargeeye  Qof diradiraalow ah.
wargeli  Cid war aysan horay u hayn gaarsiin ama u sheegid.
wargelin  eeg wargeli.
wargeyn  eeg wargee. ld wargeys.
wargeys  1. (-syo, m.dh) Xaashi ama xaashiyo war ku yaal oo wakhti go'an soo baxa sida maalin, toddobaad, bil iwm oo inta la daabaco la faafiyo; joornaal. 2. ld wargeyn.
wargur1  Hab raacatada soomaaliyeed ku dhaqanto kolka ay garramayso ama wada xaajoonaysa. Qof codkar ah ayaa hadba qofka hadlaya warkiisa qabta oo kor u qaada oo dadka wada maqalsiiya, isagoo qeexan oo quruxsan u sheegaya. ld wargurid. wargur2  Cid hadlaysa si loo maqashiiyo ama loo ogeysiiyo in lala socdo warkiisa wuxuu yiraahdaba ka daba dhihid. wargure  Cidda qof hadlaysa ama doodeysa warka ka koobisa.
wargurid  eeg wargur². ld wargur¹.
warhayn  eeg warhee.
warhee  Ka w.: arrin iwm meesha ay mareyso la socosho. 2. Ka w.: cid dhaqaale u baahan taakulayn.
page : 22 of 40
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>