Ereyga Maanta: qaflad
wareegaalaysasho  eeg wareegaalayso. ld wareegaalaysi, wareegaysasho.
wareegaalaysi  ld wareegaalaysasho.
wareegaalayso  Dan la'aan meelo u socosho. ld wareegayso.
wareegacadde  Ciyaar carruurtu ciyaarto iyagoo gacmaha iswada haysta oo isku wareegaalaysanayaa.
wareegacaddee  1. Dan la'aan u wareegid. 2. Wareegacadde samayn.
wareegacaddeyn  eeg wareegacaddee.
wareegasho  eeg wareego².
wareegaysasho  ld wareegaalaysasho.
wareegayso  ld wareegaalayso.
wareegid  eeg wareeg². ld wareeg¹.
wareego1  Xoolaha nool ee colka duullaanka ahi sahay ahaan u wato. wareego2  Soo w.: halkaad joogtid ka tag oo meel kale u wareeg. wareegsan  1. Wax qaab goobaabin ah leh ahaansho. 2. Ku w.: wax meel ku hareeraysan ahaansho.
wareegsanaan  eeg wareegsan. ld wareegsanaansho.
wareegsanaansho  ld wareegsanaan.
wareegsasho  eeg wareegso.
wareegso  1. Meel wax u beddelasho. 2. Ka w.: meel ama wax ka leexasho.
wareegto1  Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo. wareegto2  Ciyaar ragga u gaar ah oo laga yaqaan Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose, asalkeeda horana ciyaar dagaal ayay ahayd. wareeji  1. Wax wareegaya ka dhigid. 2. Dhinac kale u dhaqaajin (wax ama qof) 3. Ku w.: qalab ama xil qof faraha ka saarid. 4. Badar shiidan si buunshaha looga saaro walaanwilin.
wareejin  eeg wareeji. ld wareejis.
wareejis  ld wareejin.
wareejisan  Badar shiidan wax buunshada laga saaray ahaansho.
wareejisanaan  eeg wareejisan. ld wareejisanaansho.
wareejisanaansho  ld wareejisanaan.
wareemato  Col yar oo intay si qarsoodi ah u baxaan wax soo burburiya amaba laaya; wareento.
wareemid  eeg wareen². ld warmayn.
wareen1  Nabar ama dhaawac waran ama hooto. wareen2  1. Cid waran ama hooto ku dhufasho. 2. Xanuun si kedis ah cid u qabasho. ld warmee. wareento  Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.
page : 21 of 40
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>