Ereyga Maanta: gurguurto
watahsad  ld watahsasho.
watahsasho  eeg watahso. ld watahsad, watahsi.
watahsi  ld watahsasho.
watahso  Ka w.: meel wax laga sugayey gacmo-marnaan kaga tegid.
watar  Salaad sunne ah, habeenkii la tukado oo rakcadaheedu tiro kisi ah yihiin. ld witir.
watatacoobid  eeg watatacow². ld waddadacoobid, waddaddacow¹, watata-cow¹.
watatacow1  ld watatacoobid. watatacow2  Rafaad la kulmid. ld waddaddacow². watiiq  W. ah: wax dhuuban.
wax  1. Shay; walax. 2. Arrin; talo; xaal.
wax-ku-ool  W. ah: wax waxtara ama qiimo leh.
wax-walba-cune  Xayawaanka quuta cunto xayawaan iyo dhirba leh (dadka).
waxa  ld waxaa.
waxaa  Qurub soo hor marinaya yeelaha, layeelaha ama dhammeystire kale ee weerta dhexdeeda lagu muujiyo. Tus. “Waxaa yimid Xasan”. ld waxa.
waxad  Hanti aabbe siiyo ilmihiisa midkood.
waxar1  Orgiga yar. waxar2  Dhasha riyaha tooda yar. waxarawaalis  Geed laamo dhuudhuuban oo caleemo balballaran iyo ubaxyo hurud ah leh.
waxaraxir  (c.fal.) Meerayaasho qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexeysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka) sannakeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan ku dhowaad malyuun oo mayl; xiddigta waaberi; sahra.
waxarcaddeeye  Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno cadcad oo macaan leh.
waxarey  Ukunta shinnida iyo dhurdaha.
waxaro  Surta dhurduhu sameeyo, qaybteeda oo ka samaysan ugxaan farabba-dan oo aan weli dillaacin; qaybta kale waa miidda iyo gowska.
waxarxir  Mareegta waxaraha qoorta loo geliyo habeennimada.
waxash  Qof aan naxariis lahayn. ld waxshi.
waxashnimo  Naxariis la'aanta. ld waxshinnimo.
waxayn  eeg waxee.
waxbarad  1. Qof hawshiisu tahay in uu wax dhigto; arday. 2. ld waxbarasho.
waxbarasho  Tacliin; aqoonkororsi.
waxbarid  Tacliinbarid; aqoonbarid. ld waxbaris.
waxbaris  ld waxbarid.
page : 27 of 40
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>