Ereyga Maanta: tefiir
xujow  Wax xujo galay noqosho.
xujub  Qabri; xabaal. ld xujuub.
xujuub  ld xujub.
xukuman  Wax xukun ku dhacay ahaansho.
xukumid  eeg xukun². ld xakumid.
xukumnaan  eeg xukuman. ld xukum-naansho.
xukumnaansho  ld xukumnaan.
xukun1  1. Talis, guddoon. 2. ld xugmi. Go'aan maxkamadeed. 3. ld xakaamad, xukuumad. Dowlad; dawlo. ld xugun. xukun2  1. Wax maamulid. 2. Cid go'aan maxkamadeed ku qaadid. xukun militeri  1. (siyaa.) Dawlad militri oo ku qabsatay awoodda xukunka xoog militeri, doorasho la'aan. 2. (siyaa.) Sharciyo gaar ahaan lagu soo rogo dal, awood dhe-raadna siiya taliyaasha xoogga dalka, markuu dalkas gudihiisa ama dibaddiisa dagaal halis ah ka jiro.
xukun-la'aan  1. (siyaa.) Dawlad la'aan. 2. (siyaa.) Dhaqdhaqaaq siyaaso-bulshadeed oo aaminsan in qaranku uu ku dhisnaado xuriyadda iyo madaxbannanidda qofka.
xukuumad  ld xukun¹ (3).
xul1  1. Wax badan kuwa laga soo xushtay. 2. ld xulid. xul2  (xulay, xushay) 1. Tiro wax kale oo la nooc ah fiicnaan uga doorid. 2. Wax, wax kale ka dhex baarid. 3. Kayn iwm dhex marid. xulad  ld xulasho.
xulafo  Dad is bahaystay.
xulan  Wax xul lagu sameeyey ahaansho.
xulanti  Wax badan inta laga soo xushay oo ugu wareegsan.
xulasho  eeg xulo. ld xulad.
xulasho-dabeeci  (baay.) Marka laga hadlayo aragtida Daarwin, dariiqad ku soo darta tadawurka sinjiyo cusub oo xayawaan iyo dhirba leh.
xulato  Laba qof, laba dawladood, laba cidood ama ka badan oo gacan saar yeesha ama isbahaysi.
xulbad  Nagaar caws ah oo mirihiisa la cuno ama sanuunadda iyo wixii la mid ah lagu geedeeyo.
xuli  1. Wax fiicnaan ay leeyihiin ku soocasho. 2. Wax, wax ka baarasho.
xulid  eeg xul². ld xul¹ (2).
xulin  eeg xuli.
xulnaan  eeg xulan. ld xulnaansho.
xulnaansho  ld xulnaan.
xulo  (xushay, xulatay) Wax badan kuwa ugu wanaagsan kala bixid.
xuloobid  eeg xulow².
xulow1  Biyo gala cagaha marka kabo la'aan lagu socdo kulayl.
page : 54 of 60
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>