Ereyga Maanta: biqil
xubin  1. Qaybaha oogada nafleyda middiiba, siiba inta laba kalaggoys u dhexaysa ama isku cad ah. 2. Dadka maamul ama urur ka koobanyahay, midkiiba.
xubin dhac  (daaw.) Xubin ama sooh oo hoos uga dhaqaaqa meeshiisii caadiga ahayd, badanaa waxa keena sooha taageera oo dabca. Rimmaydhac iyo siil-dhac waxa keena, inta badan, jiidid iyo jeexmid ku dhaca sooha taageerada xilliga dhalmada.
xubin-holac  (daaw.) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.
xubnayn  eeg xubnee.
xubnee  1. Wax xubno u yeelid. 2. Wax xubno u qaybin.
xubno holac  Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.
xuddumi  1. Ku x.: neef xoolo ah ilmo dhashay siin. 2. Ka x.: haweeney foolanaysa ka dhalin.
xuddumin  eeg xuddumi.
xuddun1  1. Godka yarka ah oo caloosha bartankeeda ku yaal. 2. Hab waalidku carruurtiisa wax xoolo ah, u siiyo (ilmaha dhashay xuddunta laga gooyo baa neefka la siinayo loogu xiraa; xuddunxir). xuddun2  (jool.) Badhtamaha dhulka ee ka hooseeya carro-jiifka dhulka, hexroorkii-suna yahay 6900 oo mitir, oo leh cufnaan sare, kana kooban nikal iyo xadiid. xuddunxir1  Xoolo la siiyo ilmo markaa dhashay. xuddunxir2  Ilmo markaa dhashay xoolo siin. xuddunxirid  eeg xuddunxir².
xuddur  X. ah: xero weyn oo aad loo adkeeyay.
xudduud1  Soohdin; seere; xad. xudduud2  1. Duxda hadalka ama macnaha oraah lagu dhawaaqay ka dam-beysa. 2. Xusuus la sii dhadhansado, oo wax kolkaas la sheegay soo kiciyaan, lagu soo garwaaqsado. 3. Seere; soohdin; xad. xuf  Xuub yar oo harag jilicsan laga soo jeexay oo toobinka afka laga saaro. ld xug¹ (2).
xufnugeyl  X. ah: xoolaha intooda tabarta yar.
xug1  X. ah: xaskul qori lagu xaquuqay oo buruqdii laga milay oo liilankii caddaa isu haray. 2. ld xuf. xug2  1. Xoolo isku duuban, si degdeg ah u kaxayn, u eryid. 2. Si aayar ah maqaarka ama xuubka uga saarid. 3. Hilib ku haray maqaarka ka jarjarid. ld hug. xugid  eeg xug². ld hugid.
xugmi  ld xukun¹ (2).
xugun  ld xukun¹.
xujaale  ld xujoole.
xujee  1. Cid xujo ku xirid. 2. Cid eedeyn.
xujeey  eeg xaaji.
xujeyn  eeg xujee.
xujo  1. Weyddiin adag oo aan sahal looga jawaabi karin. 2. Dembi; Eed.
xujoobid  eeg xujow.
xujoole  Qof had iyo jeer xujo keena. ld xujaale.
page : 53 of 60
<< < 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 > >>