Ereyga Maanta: cashrin
daalalli 1. Waaxda saddexaad ee degmooyinka xiddigaha, xilliga dayrta. 2. Roobka xilliga dayrta da'a. 3. Raar meydka looga sameeyo geedaha korkooda.
daalan ld daallan.
daaldhe Doqon.
daali 1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin.
daalib (1) 1. Qof wax doonaya. 2. Qof wax baranaya.
daalib (2) Wax doonid ama raadin.
daalibid eeg daalib².
daalici Wax muujin; wax kor u soo bixin.
daalicid eeg daalac². ld daalac¹ (2).
daalicin eeg daalici.
daalid eeg daal². ld daalis.
daalin eeg daali.
daalis ld daalid.
daallan Cunno macmacaan oo jaadad badan ah oo cunnada weyn dabadeed la cuno. ld daalan.
daallan (1) Wax noog hayo ahaansho. ld daalan.
daalli Oori; haweeney.
daallin Qof dulmi badan.
daallinnimo Daallin ahaansho.
daaltir Wax daal hayo nasin (nafley).
daaltirad ld daaltirasho.
daaltirasho eeg daaltiro. ld daaltirad.
daaltirid eeg daaltir.
daaltiro Cid daal hayay si uu uga ba'o; nasasho.
daamad Cayaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan.
daamir Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. ld daammur.
daammur ld daamir.
daan (1) Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.
daan (2) (c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.
daan (3) Webi, tog iwm labada dhinac midkood.
daandaami Feer, laad iwm cid ku wareerin.
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>