huluuqan Dhar si debacsan oo kala fog-fog loo tolay ahaansho.
huluuqid eeg huluuq². ld huluuq¹ (2).
huluuqnaan eeg huluuqan. ld huluuqnaansho.
huluuqnaansho ld huluuqnaan.
humasho eeg humo.
humbaalle 1. Qaab orod ama socod ah oo qof wax cabsiinaya sameeyo. 2. ld humbaalleyn.
humbaallee Hum-baalle samayn.
humbaalleyn eeg humbaallee. ld humbaalle (2).
humbul1 1. (u) Geed isku cufan oo hoos wanaagsan iyo miro macaan iwm. 2. H. ah: wax isku cufan. humbul2 Wax, wax ku hilid. humbulan Wax qaab humbul ah leh ahaansho.
humbulid eeg humbul².
humbulnaan eeg humbulan. ld humbulnaansho.
humbulnaansho ld humbulnaan.
humbuluuluq1 Meel oogada ka mid ah oo gubatay dabadeed biyo gashatay. ld hambalaalaq¹ (2). humbuluuluq2 Meel gubatay biyo gashasho. ld hambalaalaq². humbuluuluqid eeg humbuluuluq². ld hambalaalaqid.
humbuqo Laalaabka tolmada xumi maryaha u yeesho; canyayuub.
humburuq Nooc qoolleyda ka mid ah oo yaryar.
humhumasho eeg humhumo.
humhumo Maro duug ah toltolasho.
humid eeg hun².
hummaag Muuqaal aan si fiican loo arag.
hummaagsad ld hummaagsasho.
hummaagsasho eeg hummaagso. ld hummaagsad, hummaagsi.
hummaagsi ld hummaagsasho.
hummaagso Wax aan si fiican u muuqan eegid.
hummaaji Wax cid u baacin si loo cabsi geliyo.
hummaajin eeg hummaaji. ld hummaajis.
hummajis ld hummajin.
page : 86 of 93
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>