Ereyga Maanta: celcelis-joometeri
dabakeen (1) Wiil dadku sharaysto oo marka uu dhalanayo qaarka dambe soo hormariya.
dabakeen (2) Gabadh dadku sharaysto oo markay dhalanayso qaarka dambe soo hormariya.
dabakeen (3) Ilmo dhalanayo, qaarka dambe soo hormarin.
dabakeenid eeg dabakeen³.
dabakeennimo Dabakeen ahaansho (qof).
daballaab Buntuq boobe ah, fudud oo daabkiisu bir xalleefsan ka samaysanyahay.
dabammar (1) 1. Khiyaano; dhagar. 2. Gogoldhaaf. 3. ld dhabammarid.
dabammar (2) 1. Laba waxyaabood ama ka badan oo socda isweydaarsasho. 2. U d.: cid, si khiyaano ku jirti ugu ballan-furid.
dabammari 1. Wax, wax kale weydaarin. 2. U d.: wax, wax kale dambeysiin.
dabammarid eeg dabammar². ld dabammar¹ (3).
dabammarin eeg dabammari.
dabammaryayn eeg dabammaryee. ld dabammaryo (3).
dabammaryee Cid dabammaryo ku samayn.
dabammaryo 1. Nooc legdenka ka mid ah oo qofka gadaal la isu dhaafiyo. 2. Khiyaano; dhagar. 3. ld dabammaryayn.
daban 1. Wax la dabay ahaansho. 2. Wax tidcan ahaansho (timo).
dabandeeb (1) Socod dan la'aan ah oo la iska daba noqnodo. ld dabandeebid.
dabandeeb (2) Si dan la'aan ah isaga daba noqosho.
dabandeebid eeg dabandeeb². ld dabandeeb¹.
dabannashlayn eeg dabannashlee.
dabannashlee D./ka d.: si dabadhilifnimo ah qof u dabajoogid.
dabaq (1) 1. Dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq.
dabaq (2) Wax, dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka samaysan, daboolid. ld dabbaq.
dabaqaad (1) 1. D. ah: hal marka rintay. 2. ld dabaqaadid.
dabaqaad (2) Wax dhawaan rimay noqosho (hal).
dabaqaadid eeg dabaqaad². ld dabaqaad¹ (2).
dabaqabad ld dabaqabasho.
dabaqabasho eeg dabaqabo. ld dabaqabad.
dabaqabo 1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin.
dabaqad Qayb bulsho ka mid ah oo isku dan ah.
dabaqallooc ld dibqallooc.
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>