Ereyga Maanta: gusoore
asturnaan  eeg asturan². ld asturnaansho.
asturnaansho  ld asturnaan.
asuul  Xeer aan qorneyn oo dad meel wada deggani leeyihiin.
asxantu  Mahadsanid! ld axsantu.
asyab  1. Dabaylo ka yimaada waqooyi-bari oo doonyuhu uga dhoofaan koonfur-galbeed. 2. Xilliga dabeylaha asyabku dhacaan. ld asjab.
atam  (fiis.) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. ld atom.
atlas  (juqr.) Khariidado la isu soo ururiyay oo loo sameeyay qaab buug.
atom  ld atam.
atool  (juqr.) Shacaabi taxan oo leh muuqaalka garanta ama muuqaalka kabta faraska oo ku wareegsan barkad (haro xeebeed).
atoor  Sagaarada midkeeda lab.
ATP  (kiim.) Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.
aw  1. Nin cibaadeysta oo aan diinta Islaanka wax badan ka aqoon. 2. Awoowyaashii hore. 3. ld aawo, awo¹.
aw-batiiqow  Ciyaar dhaqameed si gaar ah looga yaqaan degaanka Janaale.
aw-daare  Ciyaar leh sida mingiska, rooxaan dadka ku soo degta; degaanka webiyada ayaana laga yaqaanaa; mokhoddon; gunjis.
awaaji1  Ogeysiinta akhbaar dad badan la ogeysiiyo. awaaji2  Dad badan, akhbaar ogeysiin. awaajiyid  eeg awaaji².
awaal1  1. Saad; male. 2. awaalid. awaal2  ld aawil². awaalid  ld aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
awaamir  eeg amar¹.
awaarayn  eeg awaare.
awaare  Ciid buda ah oo cagta, dabaysha iwm. si sahlan u kicin karaan.
awaaree  Wax soconaya habaas kicin.
awal  Marka hore; waa hore; koowaad.
awasho  eeg awo².
away  ld aaway.
awd1  ld awdid. awd2  Meel bannaan ama daloosha buuxin; daboolid. awdan1  Wax buuxsamay ama daboolmay noqosho (meel bannaan ama daloosha).
page : 69 of 75
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 > >>