Ereyga Maanta: sibirayn
burshaan  Buur yar; kood.
burshin  1. Labada xubnood ee ku wareegsan afka nafleyda, kana qeyb qaadata codaynta. 2. Labada xubnood ee ku wareegsan xubinta taranka ee haweenka. ld bishin, bushin (2).
burshintuur1  1. Xarig yar oo lagu dhuujiyo faruurta kore ee geela si uu socodka u dheereeyo. 2. ld burshintuurid. burshintuur2  Jeexa faruurta kore ee geela xarig yar ku dhuujin si uu socodka u dheereeyo. ld bushintuur². burshintuurid  eeg burshintuur². ld burshintuur¹, bushintuur¹, bushintuurid.
bursi  ld bursasho.
bursiino  Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
burso  1. Wax la qaybsanayo sed dheeraad ah ka qaadasho. 2. Wax cayrsasho.
burtuur1  Marka soorta la karinayo burarka yaryar oo ay yeelato. burtuur2  Burar yaryar oo is haysta yeelasho (soor). burtuurid  eeg burtuur². ld burtuuris.
burtuuris  ld burtuurid.
burtuursan  Soor wax burtuur yeeshay ahaansho.
burtuursanaan  eeg burtuursan. ld burtuursanaansho.
burtuursanaansho  ld burtuursanaan.
burumbuur  Buur aan dhagaxyo lahayn oo dhir ka baxda dusheeda.
burun  Cad yar oo is-haysta oo ciid, sonkor iwm ah.
burunbur  Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban gudguduudan iyo caleemo yaryar oo geelu aad u jecelyahay.
burunji  Hilibka intiisa jiirka ah.
burunjiyee  Cabsi, gabow, qandho iwm la gariirid.
burunjiyeyn  eeg burunjiyee.
buruq  1.Bari dhirta qaarkeed dhanka hoose ka bixiso, adag, kuuskuusan oo la cuno. 2. Miro, sida qaraha, babbayga iwm inta jilicsan oo la cuno.
burur1  1. Dareen qofka ku dhasha marka uu la kulmo wax shucuurtiisa kiciyo oo ka lumiyo is-hanashada; jidbo. 2. ld burbur 1. 3. ld bururid. burur2  1. Qof, wax shucurtiisa kiciya la kulmay, is-hanasho ka lumid; jidbood. 2. ld burbur². bururi  1. Qof bururay ka dhigid. 2. ld burburi.
bururid  eeg burur². ld burur¹; burburid.
bururin  eeg bururi. ld Bururis; burburin.
bururis  ld burburin; bururin.
burursad  ld burbursasho.
burursan  1. Wax bururay ahaansho. 2. ld burbursan.
page : 102 of 108
<< < 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 > >>