Ereyga Maanta: joohaar-bibiish
dabar1  1. Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan. 2. Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo. 3. Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan. dabar2  (kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1). dabar3  Sac ama geel dabar ku xirid. dabar-ayoon  (kiim.) Xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe.
dabar-haydarojiin  (kiim.) Dabar molikiyuuleed ka dhex samaysma molikiyuulo haydarojiintoodu u dabarantahay curiye elektaroonjiida shadiisu xooggantahay.
dabar-lammaan  (kiim.) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena samaynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay, ).
dabar-wadaag  (kiim.) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.
dabargo'1  Ciribtirmidda ku dhacda wax asalkiisa ama firkiisa. dabargo'2  Wax asalkiisa ama firkiisa ciriitirmay noqosho. dabargo'an  Wax dabargo'ay ahaansho.
dabargo'id  eeg dabargo'².
dabargo'naan  eeg dabargo'an. ld dabargo'naansho.
dabargo'naansho  ld dabargo'naan.
dabargoo  Wax jiritaankooda baabbi'in.
dabargoyn  eeg dabargoo. ld dabargoys (3).
dabargoys  1. (-syo, m.dh) Haarta dabarku ku reebo addimada awrka. 2. (-syo, m.dh) D. ah: awr dabarka lagu xiro had iyo jeer jara. 3. ld dabargoyn.
dabarriyaadle  ld dabarriyeedle.
dabarriyeedle  Bawne. ld dabarriyaadle.
dabasacle  Nooc cawska ka mid ah oo geelu uu daaqo oo leh fiid cad oo wax mudi karta.
dabashabeelis  1. Ciyaar carruurtu ay ciyaaran, iyagoo gadaal ku xiranaya maro la duuduubay oo sayn loo ekeysiiyay. 2. Qof cid kale wax kasta ku raaca.
dabashiid  Heensasaar.
dabasho  eeg dabo².
dabasoco  Dabagelid; raacid.
dabasocod  ld dabasocosho.
dabasocosho  eeg dabasoco. ld dabasocod.
dabataag  Nooc ka mid ah, leh midabka cawsha, lana eg, bogga ka cad oo markay ordayso dabadi taagta. ld dibtaag.
dabato  Dad ugaarsi ku nool.
dabax1  ld daabax¹. dabax2  ld daabax². dabaxad  Naag hurudda farxumayn.
page : 17 of 218
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>