Ereyga Maanta: bedertami
dabaxadid  eeg dabaxad.
dabaxaw  Cudur calooleed leh shuban xad dhaaf ah.
dabaxir1  Maro yar oo carruurta markaa dhalata dabada looga xiro, si aayan isugu hallayn saxarada. dabaxir2  Ku d.: wax, wax kale ku xiriirin. dabaxiran  Ku d.: wax, wax kale ku xiriirsan ahaansho.
dabaxirasho  eeg dabaxiro.
dabaxirid  eeg dabaxir².
dabaxirnaan  eeg dabaxiran. ld dabaxirnaansho.
dabaxirnaansho  ld dabaxirnaan.
dabaxiro  Ku d.: cid, cid kale wax ay caadeystay kula saaxiibid.
dabayaaqo  Wax badankii tegay inta yar oo dambaysa; badbaadi.
dabayl1  1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl. dabayl2  (c.cimi.) Mawjad hawo, oo xoog ugu socota jiho kasta, oo badanaa la moodo inay barbaro la tahay oogada dhulka. dabayl-bataax  (c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source).
dabayl-cirifeed  (c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.
dabayl-joogta  (c.cimi.) Ku filiqsanaanta guud ee dabaysha gibilka hoose, tasoo, waxa sababay kaah, qorraxeedku, u dhisan sida meere meeraysanaya oo leh gibil.
dabaylayn  eeg dabaylee.
dabaylbadan  1. Wax dabayl leh ahaansho. 2. Qof dawdawle ah ahaansho.
dabaylbadnaan  eeg dabaylbadan. ld dabaylbadnaansho, dabaylbadni.
dabaylbadnaansho  ld dabaylbadnaan.
dabaylbadni  ld dabaylbadnaan.
dabaylee  Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid.
dabayleed  (juqr.) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.
dabaylnuug  D. ah: neef lo'ah oo aan sanka ka neefsan karin.
dabaylraac  Ari dhanka dabayshu u socoto u goosmid.
dabaylraacid  eeg dabaylraac.
dabaylwac  Dhanka dabayshu ka timaaddo.
dabayood  Geed nagaar faala, leh caleemo yaryar iyo buruq dharka lagu dhaqdo.
dabayshad  eeg dabaysho. ld dabayshi.
dabayshi  ld dabayshad.
page : 18 of 218
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>