Ereyga Maanta: saddex-madaxle
guri-kuhar  Dad iyo duunyo inta jilicsan oo aan ka fogaan karin guriga hareerahiisa.
guricas  Xero la degganaa oo markaas laga guurey.
gurid  eeg gur. ld gurniin.
gurid1  eeg gur². ld gurniin. guridambays  Carruur isku hooyo ah kan ugu dambeeya.
guridambaysnimo  Guridambays ahaansho.
guriggal1  ld guriggelid. guriggal2  Laba qof oo isguursaday markii ugu horraysay si rasmi ah guri u wada gelid. guriggee  Aroos aqalgeyn.
guriggelid  eeg guriggal². ld guriggal¹.
guriggeyn  eeg guriggee.
gurijoog  1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. Xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iwm.
gurin  eeg guri².
gurisamaad  Degaan barwaaqo iyo nabad leh.
guriyoobid  eeg guriyow².
guriyow1  G. ah: cudur guri noqday (nafley). guriyow2  Nafley cudur guri ka noqosho. gurmad1  1. G. ah: gargaar degdeg ah oo cid loo fidiyo. 2. G.ka booliska: koox ka mid ah booliska oo heegan u ah meeshii ay rabsho ka dhacdo. 3. Tababar ciidameed oo waajib ku ah dhallinta qaangaarka ah ee dal u dhashay. 4. ld gurmasho. gurmaggo'an  Wax salka laga jaray ahaansho.
gurmaggo'naan  eeg gurmaggo'an. ld gurmaggo'naansho.
gurmaggo'naansho  ld gurmaggo'naan.
gurmaggoo  Geed iwm salka ka goyn.
gurmaggoyn  eeg gurmaggoo.
gurmasho  eeg gurmo. ld gurmad (4).
gurmo  Cid gargaar degdeg ah u fidin.
gurnaan  eeg guran. ld gurnaansho.
gurnaan1  eeg guran². ld gurnaansho. gurnaansho  ld gurnaan.
gurniin  ld gurid.
guro1  1. Meel godan oo gaadiid raran dushiisa laga sameeyo oo la saaro carruur, maqal iwm. 2. Rako.
page : 96 of 102
<< < 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 > >>