Ereyga Maanta: sargadayn
gabne  ld gabbaan².
gabniin  ld gabid.
gabno  ld gabbaan².
gaboobid  eeg gabow².
gabood  Dulmi; gardarro, eex.
gaboodfal1  1. Gardarro bareer ah oo cid lagu sameeyo. 2. ld gaboodfalid. gaboodfal2  Ku g.: gardarro bareer ah cid ku samayn. gaboodfalid  eeg gaboodfal². ld gaboodfal¹ (2).
gabooley  Ragga gabooyaha ku hubeysan.
gabooy  ld gaboy.
gabooyaale  Qof gabooye ku ugaarsada. ld gabooyaaley.
gabooyaaley  ld gabooyaale.
gabooye  Galka fallaaraha lagu rito; qule. ld gabooyo.
gabooyo  ld gabooye.
gabow1  Duqnimo iyo da'weyni nafleydu gaarto markay muddo dheer noolaato. gabow2  1. Muddo badan noolaansho. 2. Da'weyn oo aan wax la qabsan karin gaarid. gabowsho  Gabow; gaboobid.
gaboy  (gaboy, m.dh) Qof ugaarsiga ku nool. ld gabooy.
gabraar1  Nin ugaarsada. gabraar2  Dabidda, qabashada iyo laynta ugaarta. gabraarad  ld gabraarasho.
gabraarasho  eeg gabraaro. ld gabraarad.
gabraarato  Dad ugaarsiga ku nool.
gabraaro  Ugaar laysasho.
gabramid  eeg gabran¹.
gabran  Wax badan oo meel wada fadhiya noqosho.
gabran1  Wax la khayaamay ahaansho (cid). gabranaan  eeg gabran. ld gabaarnaan, gaabaarnaansho, gabra naansho.
gabranaan1  eeg gabran. ld gabranaansho. gabranaansho  ld gabranaan.
page : 14 of 102
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>