Ereyga Maanta: sargadayn
gabboo  ld gabbo.
gabbood  ld gabbasho.
gabcid  eeg gabac².
gabdhomid  eeg gabdhon.
gabdhon  Daadasho, hoorid (roob).
gabee  1. Socod cag culus oo aad mooddo in qofka tallaabsigu dhibayo. 2. Dabin qaab saab leh oo shinbiraha lagu dabo.
gabeyn  eeg gabee.
gabeysan  Wax la gabeeyey ahaansho (nafley).
gabeysnaan  eeg gabeysan. ld gabeysnaansho.
gabgab  G. leh: erey lagu muujiyo cagajiidid ama ciirciirid.
gabgabbi  ld gabbigabbi.
gabgable  Qof gabgab sameeya.
gabgablee  1. Gabgab samayn. 2. Falal cagajuglayn cid loola yimaado.
gabgableyn  eeg gabgablee.
gabid  eeg gab. ld gabniin, gebid.
gabiib  Dhul carro san ah oo aan qaniin lahayn. ld gebiib.
gabiyo  (jool.) Carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
gablami  Cid gablan ka dhigid. ld goblami.
gablamid  eeg gablan². ld goblamid.
gablamin  eeg gablami. ld goblamin.
gablan1  Qof gaboobay oo aan carruur lahayn. ld goblan¹. gablan2  1. Qof carruurtii ka le'atay noqosho. 2. Qof gaboobay oo aan carruur lahayn noqosho. ld goblan². gablannimo  Gablan ahaansho. ld goblannimo.
gablee  Socod cagajiid ah oo aan qasad lahayn samayn.
gabley  Nooc shimbiraha ka mid ah; habas.
gableyn  eeg gablee.
gableyshimbir  Ciyaar dhaqameed oo qaabka loo dheelo ama dhaqdhaqaaqeeda laga soo minguuriyay shimbirka la yiraahdo gabley.
gablool1  Candho guran oo aan caano lahayn. ld gabto, gabtood, gabtool¹. gablool2  Wax guran oo aan caano lahayn noqosho. ld gabtool². gabloolid  eeg gablool². ld gabtoolid.
page : 13 of 102
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>