Ereyga Maanta: jaw
ilfuur  I. ah: qof wax si qarsoodi ah loo samayn lahaa joogiddiisu xayirto.
ilfuurnimo  Ilfuur ahaansho.
ilgaal  1. (bot.) Geed-saar caleemo ballaaran leh oo dhala miro kuuskuusan oo biseyl iyo qardaba lagu cuno. 2. (bot.) Miraha ilgaalka.
ilgal  1. Cudur geela indhaha uga dhaca oo uu la ilmeeyo, ilqod. 2. I. ah: qof firfircoon.
ilgalacle  Eegid marba meel la eego iyadoo indhaha la kala hayo. ld ilbalacle.
ilgalaclee  Indhaha oo la kala hayo hadba meel eegid. ld ilbaclee.
ilgalacleyn  eeg ilgalaaclee. ld ilbalacleyn, ilbalacleys, ilgalacleys.
ilgalacleys  ld ilgalacleyn.
ilgeeriyaad  Xaalad dhimasho muujinay-sa oo qof sakaraadaya ka muuqato.
ilgey  Turub lacag lagu ciyaaro oo been lagu raabico.
ilgiir1  Qof daymo kulul. ilgiir2  Qof daymo kulul ku eegid. ilgiirid  1. Daymo kulul oo wax lagu eego. 2. eeg ilgiir².
ilgoon  Lafaha koodadka oo indhaha ku wareegsan.
ilgurux  Isha oo dhan oo aan xididdadu ku jirin.
ilhaami  Ku i.: cid ilhaan siin (Eebbe).
ilhaamid  eeg ilhaan².
ilhaamin  eeg ilhaami.
ilhaan1  (dii.) Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga yimid. ilhaan2  Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga imaansho. ilhel  Ka i.: wax la gaadayo fursad isagoo dagan u helid.
ilhelid  eeg ilhel.
ilig  (ilko, m.l) (c.nafl.) Xubno cadcad, adag ku teedsan daamanka lafdhabarreyda ee wax lagu gooyo laguna calashado middood.
iliil  Jeex yar oo tog ku darsama.
iliindi  1. Dhar gaar ah oo Banaadir laga sameeyo. 2. Waddooyin bahallaha yaryari sida quraanyada, jiraca iwm ay sameeyaan. ld aliindi.
ilikuwareertay  Xarriiqda soo koobta aragga ama la moodo in dhulka iyo cifku iska qabtaan. ld ilkuwareerto, ilwareerto.
ilindi  Hanti badan.
iljebi  1. Hal mar il isku qabasho. 2. U i.: qof isha ugu baaqid.
iljebin  eeg iljebi. ld iljebis.
iljebis  ld iljebin.
page : 13 of 43
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>