Ereyga Maanta: firikhi
joog ekeeye  Xarriiq isku xira meelaha jooggoodu isku mid yahay ee ka sarreeya bad lasimanta.
joogajooge  1. Socod aan la joogsanayn maalin dhan. 2. Taag-naan aan nasiino lahayn. 3. Cucub.
joogbeege  Qalab lagu cabbiro joogga dhulka.
joogid  eeg joog². ld joogis.
joogis  ld joogid.
joogjoog  Meel dan la'aan u joogid.
joogjooge  1. Dhis maqaar, qoryo, iyo caws laga sameeyo oo qaab nirgood ama weylood leh oo la tuso hasha ama saca ilmihiisu dhinto, si uu u godlado. 2. Socod dheer oo aan nasiino lahayn oo maalin la socdo.
joogjoogid  eeg joogjoog.
joogjoogle  1. Roob aan kala go'lahayn oo habeenkii da'a. 2. Legdan laba qofood oo kala xoog badan oo kan xoogga badani labadiisa gacmood laabto oo lugaha kaliya ku legdamo.
joogjoogsad  ld joogjoogsasho.
joogjoogsasho  eeg joogjoogso. ld joogjoogsad, joogjoogsi.
joogjoogsi  ld joogjoogsasho.
joogjoogso  1. Socod hadba meel istaagid. 2. Ku j.: qof dhulka jiifa oo muruq hayo si turaal ah ugu istaagid.
joogsad  ld joogsasho.
joogsasho  eeg joogso. ld joogsad, joogsi.
joogsi  1. Astaan dhibic ah oo hadal dhan oo qoraal ah dhammaadkiisa lagu dhigo. 2. ld joogsasho.
joogso  1. Socod joojin. 2. Fadhi ka istaagid.
joogtee  Fal si joogto ah u qabasho.
joogteyn  eeg joogtee.
joogteyn-naytaroojiin  (kiim.) Dariiqad kiimikeed taas oo naytaroojinta gibilku isu beddesho iskudhisyo orgaanik ah noolayaasha dhexdooda, ka dibna ay marto meertada naytroojiin. Kartida lagu joog-teynayo naytaroojiinta waxa iska leh bak-teeriya aar ah.
joogto1  1. J. ah: wax aan isbeddel lahayn ama aan kala go'ayn. 2. Shaqaale hay'adeed oo aan maalin goosato ahayn. joogto2  (nax.) Ammin faleed tilmaama fal dhacaya isla marka la joogo oo lagu dhawaaqayo warka. joohaar  Mas if badani uurka uga jiro oo habeenkii inta la soo baxo ilayskeeda ku ugaarsado; masjoohaar.
joohaar-bibanji  Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibcood ku leh, dhinaca kalena shan. ld banji-bijoohaar, biish-bijoohaar, joohaar-bibiish.
joohaar-bibiish  ld joohaar-bibanji.
joohaar-bicaddaan  ld caddaan-bijoohaar.
joohaar-bidooh  ld dooh-bijoohaar.
joohaar-bisaliim  ld saliim-bijoohaar.
joohaar-bishiish  Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld shiish-bijoohaar.
joohaar-biyeeg  ld yeeg-bijoohaar.
page : 47 of 53
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>