Ereyga Maanta: geedamaal
jarreero  1. Ladnaan. 2. Axsaan, wanaag, naxariis.
jarri  (c.nafl.) Shimbir yar oo af guduudan oo xoolaha shilinta ka gurata. ld jirri.
jarriin  ld jarid.
jarriinsii  ld jarsii.
jarsii  Ciyaar turub, qof haad uusan hayn inuu jaro ku qasbid.
jasaar  Qofka wanaaggii loo galo ka abaal dhaca. ld jisaar.
jasaarnimo  Jasaar ahaansho. ld jisaarnimo.
jasiirad  (jool.) Gabal dhul ah oo ay ku wareegsanyihiin biyo, gabalkaasi dhulka ah wuxuu ku dhexyaal badweyn, bad, haro, ama webi. ld jasiiro.
jasiirad-shacaabi  (jool.) Dhul-badeed ka samaysan dhagaxshacaabi ka fog dhul kale, kuna dhex taal bad ama biyo weyn oo kale, joogeeduna aad uma sarreeyo.
jasiirad-u-eke  (jool.) Dhul badankiisa biyo ku wareegsanyihiin.
jasiiro  ld jasiirad.
jasuur  Aqal dhagax ah; daar; sar.
jaw1  Yoon dhegta dhexdeeda laga dareemo, kaddib markii aad loo harraado. jaw2  1. Kaamil. 2. Jibaad meel fog laga maqlaaya. 3. Keli ah. jaw3  Erey la yiraahdo kolka wax lala yaabo. jawaab1  Hees loo qaado xoolaha la shubayo. jawaab2  Warcelin. jawaab3  1. Wixii lays weyddiiyey ka warcelin. 2. Xoolo la shubaya hees u qaadid. jawaabid  eeg jawaab³.
jawaan  Kiish ka samaysan liilammo ama xargo yaryar oo la isku falkiyay. ld joonyad, juuni.
jawdheer  1. (bot.) Geed caleemo madmadow oo yaryar iyo laamo oo dhuudhuuban oo asal fiican leh. 2. (m.u) Laan la jaray oo mayraxdii laga gurtay oo engegtay oo ul laga dhigto ama la shito. 3. Masalle harag ah.
jawharad  Dhagax qaali ah. ld johorad, jowhar.
jawi1  1. Hawada dhulka ku wareegsan. 2. Cimilo. jawi2  1. Nabar aan biskoon; joqofey. 2. Dhul hawd ah oo oomane ah. jawjaw  Buuq.
jawjawlee  Buuqid.
jawjawleyn  eeg jawjawlee.
jawle  Nooc ka mid ah noocyada bariiska.
jawlee  Cabaadid.
jawleyn  eeg jawlee.
page : 20 of 53
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>