Ereyga Maanta: jaw
jambaq  Orgi yar oo aan shumbulnimo gaarin.
jambaqnimo  Jambaq ahaansho.
jambareer1  ld jambareero. jambareer2  Daal, harraad iyo gaajo badan la kulmid. jambareerid  eeg jambareer².
jambareero  Dhibaato harraad, gaajo iyo daal badani dhaliyaan. ld jambareer¹.
jambareeroo  Jambareero dareemid.
jambareerood  eeg jambareeroo.
jamce  Maalinta u dhaxayso, sabtiga iyo axadda. ld jimce, jimco.
jamciyad  Dad urur siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iwm ku midoobey.
jameecad  ld jameeco.
jameeco  1. Dad isku meel wada deggan oo ku nool. 2. (-ooyin, m.l) Ururo diimeed oo meel wada deggan.3. Dad salaad wada tukanaya. ld jameecad.
jamhuuriyad  Dal xur ah oo madaxdiisa shacbigu soo doorto.
jamlee  ld jimlee.
jamleyn  ld jimleyn.
jamleys  ld jimleyn.
jamleysad  ld jimleysasho.
jamleysasho  ld jimleysasho.
jamleysi  ld jimleysasho.
jamleyso  ld jimleyso.
jamlo  ld jimlo.
jammir  Doon si ay socodka u badiso shiraac kor ugu taagid.
jammirid  eeg jammir.
jamo  Si aad ah wax u jeclaysasho.
jan  1. Wax jeclaysi jirro oo kale ah oo ku dhaca haweenka uurka leh. 2. Jacayl xad dhaaf ah.
janaabo  ld jinaabo.
janaaso  1. Waxa meydka loo sameeyo, kolka uu dhinto taniyo kolka laga aaso. 2. Qaadidda meydka, meesha uu ku dhintay, taniyo xabaalaha. 3. ld jinaaso. Tukashada (salaad) meydka lagu tukado. ld jannaaso.
janab  Dabin loo dhigo bahallada iyo ugaarta.
janan  Derejo sare oo ciidamadu leeyihiin oo ka sarreysa gaashaanle sare.
janbeel  Bahal dabacadeeyaha la eg oo ku nool dhulka buuraleyda ah oo cuna sagaarada.
page : 15 of 53
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>