Ereyga Maanta: gusoore
kulanti  ld kulan.
kulayl  Holan, humri iwm ee ka yimaada qorraxda, dabka iwm.
kulayle  1. Xilli kulul. 2. Meel kulul. 3. Dhul aad u dhir badan oo aan marino lahayn oo manena ah.
kulayli  Wax kulayl ka dhigid. ld kululee.
kulaylin  eeg kulayli. ld kululayn.
kulbeeg  ld kulbeege.
kulbeege  (fiis.) Qalab loo isticmaalo cabbiraadda heerkulka walax. ld kulbeeg.
kulbixiye1  Shay kulka dhaliya sida qorraxda, matoorrada iwm. kulbixiye2  (fiis.) Falgalka kiimikaad ee sii daaya kulka (taas macnaheedu waa kulku wuxuu ka baxaa habka ama heerkulka ayaa kordha). Gubashadu waa falgal kul bixiye ah. kuldhac  (daaw.) Hoos u dhac kulka jirka oo ka hoos mara cabbirka caadiga ah ayna jirinna falalka difaaca jirka sida - qarqaryada. Badanaa waxay ku dhacdaa caruurta iyo waayeelka haddii ay ku noolyihiin guryo aan la kululeyn ayna haysan dhar huwasho oo ku filan.
kuldhuleed  (jool.) Kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
kuldiir1  ld kuljiir. kuldiir2  Wax qabow kul yar helid. kuldiiri  Wax in yar kululayn.
kuldiirid  eeg kuldiir².
kuldiirin  eeg kuldiiri. ld kuldiiris.
kuldiiris  ld kuldiirin.
kulekeeye  (juqr.) Xarriiq khariidad ku yaal, oo isku xira meelaha celceliska heerkulkoodu isku mid yahay in muddo go'an ah.
kulgudbin  (fiis.) Mootinta kulka ee walax gudaheeda, isaga oo kulku ka tegayo meesha heerkulkeedu sarreeyo, una gudbaya meesha heerkulkeedu hooseeyo. Neefaha iyo badanka hoorarka, gudbinta kulka waxa dhaliya is-hirdiga atamyada iyo molikiyuulada tamar socodkoodu kala duwanyahay.
kuljiir  K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iwm. ay yeeshaan;qandac. ld kuldiir¹.
kulkulul  Qof mannexe ah ama shadiid ah, ahaansho.
kulkululaan  eeg kulkulul. ld kulkululaansho.
kulkululaansho  ld kulkululaan.
kullaab  1. Gan qaroofsan oo wixii culus la suro oo kor loogu qaado. 2. Nooc ka mid ah tarashka maryaha dacalladooda lagu sameeyo oo sawirro leh.
kullaabi  1. Xiddo weyn oo ballaaran. 2. Marada xiddadaas leh lafteeda.
kullad  Koofiyad askareed.
kullan  Geed abaareed dheer oo qodxo, qori adag iyo miro macaan oo la cuno leh; dhirta daawada laga sameeyana ka mid ah. ld shillan.
kulleejo  Hooy jiif iyo cunto leh oo arday wax ku barato.
kulliyad  Qeyb ka mid ah Jaamacad oo lagu barto cilmi gaar ah sida sharciga, daawada iwm.
kulmi  Meel isugu keenid (nafley).
page : 67 of 73
<< < 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 > >>