Ereyga Maanta: codlaawe
maansha  ld maasha.
maanso  Suugaanta qayb ka mid ah oo ka kooban waxyaabo badan oo la tirsho sida, gabayga, masafada, heesta iwm.
maansoo  Maanso tirin; gabyid. ld maansee.
maansood  eeg maansoo.
maanta  ld maan² (2).
maantay  ld maan².
maantomaanto  Sheekoxariir carruurta iyo dhallinyaradu isku maaweeliyaan.
maantoolayn  eeg maantoolee.
maantoolaysad  ld maantoolaysasho.
maantoolaysasho  eeg mantoolayso. ld maantoolaysad, maantoolaysi.
maantoolaysi  ld maantoolaysasho.
maantoolayso  Maantoole ku sheekeysasho.
maantoole  Sheekooyin (hore) aan dhicin oo carruurta lagu maaweeliyo.
maantoolee  Maantoole sheegid.
maanyar  Qof caqliyar ahaansho.
maanyaraan  eeg maanyar. ld maanyaraansho, maanyari, maanyaro.
maanyaraansho  ld maanyaraan.
maanyari  ld maanyaraan.
maanyaro  ld maanyaraan.
maanyee  Hees ugareed tirin.
maanyeyn  eeg maanyee.
maanyo1  Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray. maanyo2  1. Bad. 2. Hees ay dabatadu ugaarta ku sasabato. 3. Nooc dhirta ka mid ah oo ay xawayaanku nafaqo ka helaan marka ay cunaan. maaqal  1. ld maqal 1 (2). Khaanad ku samaysan armaajo, miis iwm oo wax lagu rito. 2. Findoob.
maaqul  Garannuug yar oo caanannuug ah.
maaquurre  Ubad geel oo dhashay isagoon bila dhammeysan.
maaquurree  Hal iyadoon bila dhammeysan ilma nool dhalid.
maaquurreyn  eeg maaquurree. ld maaquurreys.
maaquurreys  ld maaquurreyn.
maar1  1. Lakaybo isdul saar-saaran. 2. Afarta meesi ee xoolaha midkood. 3. Degaan geedo iyo ciid isku mid ah leh. 4. Dhawr warqadood oo turub ah oo hal mar la isku qaato ama la wada bixiyo. 5. Maal.
page : 8 of 131
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>