Ereyga Maanta: meereysan
nasnaansho  ld nasnaan.
nasniin  ld nasniino.
naso  Hawl muddo gaaban ka fadhiisasho si daalkeedu u ba'o.
nasraani  (dii.) Qof sheegta inuu haysto diinta nebi Ciise.
nasraaninnimo  Nasraani ahaansho.
nasri  1. Guul laga gaadho dagaal, arrin iwm. 2. Nabadgelyo iyo barwaaqo.
nasro  1. (muus.) Durbaan yar oo lagu tumo qasaa'idka Nabi ammaanka ah; darbuugad. 2. (muus.) Durbaan tumid iyo qasaa'id Nabi ammaan ah oo wada socda.
nastahan1  N. ah: dhib yar oo aan shiddo badnayn (qof). nastahan2  Qof nastahan ahaansho. nastahanaan  eeg nastahan². ld nastahaanansho.
nastahanaansho  ld nastahanaan.
nasteex  ld naseex.
nasteexayn  ld naseexayn.
nasteexee  ld naseexee.
nasteexo  ld naseexo.
natarik-asiidh  (kiim.) Hoore midablaawe ah oo bida, oo dharka iyo jidhkaba cuna. Waa asiidh xoog badan.
natiijo  Fal la sameeyo wax ka soo baxa.
nawaaxi  Dhulka ku xeeran hadba meesha laga hadlayo.
nawir1  ld nawirid. nawir2  Wax dhalaalaya ka dhigid (wax). nawirid  eeg nawir². ld nawir¹.
nax  1. Cabsi iyo welwel kedis ah dareemid. 2. U n.: qof wax wanaagsan la jeclaysasho iyadoo laga xanunsanayo dhib haysata.
naxaas  (jool.) Macdan adke ah, dhulka laga qodo, leh midab cagaar ah, dusha lagaga dahaadho xadiidka si uu mirirka uga ilaaliyo, lagana sameeyo qalab badan oo la adeegsado.
naxar  Dab aad u kulul.
naxariis  Dareen raxmadeed oo cid ku dhasha dhib cid kale haysata darteed.
naxariisad  ld naxariisasho.
naxariisasho  eeg naxariiso. ld naxariisad.
naxariiso  U n.: cid naxariis u gelid.
naxas  Maalin ama waqti nuxus ah. ld naxsi².
naxash  (naxash/-shyo, m.dh) ld nacash (2).
page : 19 of 35
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>