Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
nasahnaan  eeg nasahan. ld nasahnaansho.
nasahnaansho  ld nasahnaan.
nasakh1  1. N. ah: qof doqon ah, nacas ah. 2. N. ah: wax la buriyay (ayaad, diin). 3. ld nasakhid. nasakh2  1. Qof fikraddiisa wanaagsan mid xun ugu beddelid. 2. Burin beddelid (aayad, diin). nasakhaad  Doqonnimada cid la kulanta.
nasakhan  1. Doqon ahaansho. 2. Diin ama aayad la beddelay ahaansho.
nasakhid  eeg nasakh². ld nasakh¹ (3).
nasakhnaan  eeg nasakhan. ld nasakhnaansho.
nasakhnaansho  eeg nasakhnow. ld nasakhnaan.
nasan  Wax nastay ahaansho.
nasar  (muus.) Durbaan dhuuban oo salka luga ka leh, waxaana laga yaqaan degaanka webiyada. ld narso.
nasasho  eeg naso. ld nasad.
naseex  1. Qof talo daacad ah bixiya. 2. Wax qof dan u ah. ld nasteex.
naseexayn  eeg naseexee. ld nasteexayn.
naseexee  1. U n.: cid daacadnimo ula talin. 2. U n.: cid u danayn. ld nasteexee.
naseexo  1. Talo daacad ah oo cid loo jeediyo; waano; caqlicelin. 2. Daacadnimo. ld nasteexo.
nash  Meesha madaxa carruurta kol dhow dhalatay xaggiisa sare ku taal ee boodboodda; nasiso. ld nashley, nashnashley, nasin, nasiso¹.
nashaad  Farxad iyo firfircooni. ld nanashaaddo, nishaad.
nashaaddaysan  Wax farax iyo firfircooniyi ka muuqato ahaansho. ld nishaaddaysan.
nashaaddaysnaan  eeg nashaaddaysan. ld nashaaddaysnaansho, nishaaddaysnaan.
nashaaddaysnaansho  ld nashaaddaysnaan.
nashir1  ld nashirid. nashir2  Akhbaar faafin. nashiran  Wax la faafiyay ahaansho (akhbaar).
nashirid  eeg nashir². ld nashir¹.
nashirnaan  eeg nashiran. ld nashirnaansho.
nashirnaansho  ld nashirnaan.
nashlayn  eeg nashlee.
nashlee  Daba n.: cid u qabbaanid.
nashley  ld nash.
page : 17 of 35
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>