Ereyga Maanta: kaahin
namiinid  eeg namiin ². Namiin ahaansho. ld nabiibid.
namiinnimo  Namiin ahaansho. ld nabiibnimo.
namuun  1. Nooc. 2. Midab. ld namuunad, namuuno.
namuunad  ld namuun.
namuuno  ld namuun.
nanashaaddo  1. Farax, fahmo, firfircooni. 2. Wax si xiiso iyo rabitaan leh loo qabto. 3. Daal iyo jiljileec la'aan.
naq1  1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira. naq2  1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi. naqad  Lacag caddaan ah. ld naqdi¹ (2).
naqan  1. Gar la xalliyay ahaansho. 2. Wax yar ahaansho.
naqas  1. Neef aan ur wanaagsan lahayn. 2. Neefta dadka uurkiisa ku jirta.
naqash1  Xarar ama midab wax lagu qurxiyo. naqash2  Wax xardhid ama midab ku qurxin. naqayn  eeg naqee.
naqaysad  ld naqaysasho.
naqaysasho  eeg naqayso. ld naqaysad.
naqayso  1. (f.g) Wax inta fiican kala bixid; xulasho. 2. (f.mg) Naq daaqid (xoolo).
naqdac  Caws guryaha carshaanta ah dusha laga saaro oo lagu dedo oo ka baxa meelaha webiyada agagaarkooda ah; gargoof.
naqdi1  1. Dood looga faalloodo wax wanaaggiisa ama dhalliishiisa. 2. ld naqad. naqdi2  Wax wanaaggiisa ama dhaliishiisa sheegid. naqdiyid  eeg naqdi².
naqee  Wax xulid.
naqid  eeg naq². ld niqid.
naqiisad  Biro yaryar oo isgala oo shukaanta iyo doonida isu haya.
naqil  Ku n.: wax meel ku qoran meel kale ku guurin.
naqilid  eeg naqil.
naqraac1  Guuridda la aado meel naq leh. ld naqraacid. naqraac2  Meel naq leh u guurid. naqraacid  eeg naqraac². ld naqraac¹.
naqsan  1. Wax la celiyay ahaansho. 2. Gar la xalliyay ahaansho.
page : 15 of 35
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>