Ereyga Maanta: bedertami
nayloon  ld layloon.
naynaas1  ld naanays¹. naynaas2  ld naanays³. naynaasan  Qof ceeb ku tilmaaman ahaansho. ld naanaysan.
naynaasid  ld naanaysid.
naynaasnaan  eeg naynaasan. ld naanaysnaan, naanaysnaansho, naynaasnaansho.
naynaasnaansho  ld naynaasnaan.
naytareyd  (kiim.) Cusbada ama istarka natarik asiidh.
naytarojiin  1. (kiim.) Curiyaha ugu horreeya ururka V ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N )oo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh. Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban naytaras asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiim.) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan; neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.
nebcaan  eeg neceb. ld nebcaansho, necbaan, necbaansho.
nebcaansho  ld nebcaan.
nebcaysasho  eeg nebcayso. ld nebcoobid, necbaysasho, necboobid.
nebcayso  Cid niyadda ka nicid. ld necbayso.
nebcow  ld necbow.
neberi  Nafley naasleyda ka mid ah oo waxa badda ku nool ugu weyn. ld nibiri.
neberoon  ld nabaraan.
nebi  Qof Eebbe doortay oo waxyi loo soo dhiibay.
nebi-ammaan1  (dii.) Sugaan ama qasiido lagu ammaano wanaagga iyo wax qabadka nebi. nebi-ammaan2  (dii.) Suugaan ama qasiido ku tirin wanaagga iyo waxqabadka nebi. nebi-ammaanid  eeg nebi-ammaan².
nebinnimo  (dii.) Nebi ahaansho.
necayb  ld nacayb.
necbaan  ld nebcaan.
necbaansho  ld nebcaan.
necbaysasho  ld nebcaysasho.
necbayso  ld nebcayso.
necbow  Aan wax jeclayn noqosho (cid). ld nebcow.
neceb  Wax aan la rabin kashasho.
neecaabi  Wax neecow u dhigid. ld naacaabi, neecaawi.
neecaabin  eeg neecaabi. ld naacaabin, neecaawin.
page : 21 of 35
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>