Ereyga Maanta: bedertami
neecaawi  ld neecaabi.
neecaawin  ld neecaabin.
neecaw1  Hawo qabow oo nadiif ah; laydh. ld naacaw. neecaw2  (juqr.) Eray badanaa lagu isticmaalo maayad hawo ah oo aad uga khafiifsan dabayl. Amase, waxaa lagu isticmaalaa noocyo ka mid ah dabaysha oo dhacdo joogto ah leh. neecawsasho  eeg neecowso. ld naacawsasho.
neecawso  Neecow qaadasho. ld naacawso.
neecow badeed  (fiis.) Sarraynta/hoseynta socodka hawada ka timaada badda ee u socota beriga ee ay sababtay kala duwanaanta heerkulka. Maalintii kulaylka berrigu wuxuu keenaa in hawadu kor u kacdo, hawada badduna halkeedii ayey beddeshaa.
neef1  1. Xoolaha la dhaqdo mid ka mid ah. 2. Faras si gaar ah u tilmaaman. 3. Qof garasho yar. neef2  1. Hawada nafleyda. 2. Qaybaha hawadu u kala baxdo mid ka mid ah sida haydarojiinta, ogsojiinta iwm. 3. Cudur dadka ku dhaca oo neefsashadu dhibto. neef3  (fiis.) Wejiga maatarka ee xoogagga isjiidashada ee u dhexeeya saxarrada walaxdu ka koobantahay uu yaryaryahay. Saxarradaasu waxay leeyihiin xorriyad dhadhaqaaq, sidaas awgeedna neefuhu ma laha qaab iyo mug go'an midna. neef wahsada  (kiim.) Curiyayaasha ururka 0 ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Neefo hal atamlayaal ah oo leh heerkul kar oo hooseeya.
neef-qaadasho  (c.nafl.) Qaadashada hawo ama neefo kale, kuwaas oo ballaadhiya sambabada.
neef-qabatin  (daaw.) Dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.
neefayn  eeg neefee.
neefee  Wax neef gelin.
neefgur1  ld neeftuur¹. neefgur2  ld neeftuur². neefgurid  ld neeftuurid.
neefi  1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn.
neefin  eeg neefi. ld neefis.
neefis  ld neefin.
neefqalow  Dhowr neef oo ari ah oo midba mar lumay.
neefsad  ld neefsasho.
neefsasho1  eeg neefo. ld neefsad, neefsi. neefsasho2  Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka. neefsasho ogsajiin la'  (baay.) Nooc ka mid ah neefsashada oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohaydraytyada) ay qayb ahaan u ogsidhooban iyagoo sii daynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad ogsajiin aan u baahnayn.
neefsasho ogsajiin leh  (baay.) Nooc ka mid ah neefsashada, oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohydraytyada) ay dhammaantood u ogsidhoobaan kaarboon laba ogsaydh iyo biyo, iyaga oo siidaynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad u baahan ogsajiin.
neefsi  ld neefsasho.
neefso  1. Nafley, neef sii deyn. 2. Muddo yar nasasho.
neeftuur1  Neef xooggan oo ka soo baxda nafley xiiqday. ld neefgur¹.
page : 22 of 35
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>