Ereyga Maanta: dalankacee
naqsanaan  eeg naqsan. ld naqsanaansho.
naqsanaansho  ld naqsanaan.
naqsasho  eeg naqso.
naqshad  1. Naqash. 2. Shaxan tilmaamaya hab ay wax u dhisanyihiin, ama u samaysanyihiin.
naqshadayn  eeg naqshadee.
naqshadee  Wax naqshad u samayn.
naqshid  eeg naqash².
naqso  1. (f.g) Wax dib u soo ceshasho. 2. (f.g) Quraan akhrisasho. 3. (f.mg) U n.: wax mar labaad. 4. (f.mg) Gar cid u jeedsasho.
naqtiimi  Qof quraan, duruus iwm dhammeeyay mar labaad bilaabid.
naqtiimid  eeg naqtiin².
naqtiimin  eeg naqtiimi. ld naqtiimis.
naqtiimis  ld naqtiimin.
naqtiimo  ld naqtiin¹.
naqtiin1  1. Dib u so bilaabidda quraan, duruus iwm oo hore loo dhammeeyey. 2. N. ah: qof dhammeeyey quraan, duruus iwm oo mar labaad soo bilaaba. ld naqtiimo. naqtiin2  Qur'aan la dhammeeyay mar labaad ku noqosho. naqtiinsad  ld naqtiinsasho.
naqtiinsasho  eeg naqtiinso. ld naqtiinsad.
naqtiinso  Quraan la dhammeeyay mar labaad ku noqosho.
narsi  ld nasri.
narso  ld nasar.
naruuro  1. Waxtar ama faa'iido. 2. In yar oo wax la'aanta dhaanta.
nas  1. Meesha ugu dhow wax laga nishaabi karo. 2. (dii.) Kitaab, qaanuun iwm oo la qoray hadalkiisa hore oo asalka ah oo ka duwan sharaxa ama waxyaale kale oo gadaal cid kale kaga darto.
nasaari  ld nasaaro.
nasaaro  (dii.) Dadka sheegta inay haystaan diinta Nebi Ciise; Kiristaan; Masiixi. ld nasaari.
nasaaroobid  eeg nasaarow.
nasaarow  Nasaaro noqosho.
nasab  1. Tafiir iyo farac laga soo jeedo. 2. N. ah: qof wanaagsan.
nasabnimo  Nasab ahaansho.
nasad  ld nasasho.
nasahan  Ka n.: wax aan xumaan lahayn ahaansho.
page : 16 of 35
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>