Ereyga Maanta: bedertami
neeftuur2  Nafley xiiqday neef xooggan sii dayn. ld neefgur². neeftuurid  eeg neeftuur². ld neefgurid.
neeqaab  Qoriga dakhalku ku qotomo.
neeuroosis  (c.naf.) Cudur dhimireed lagu yaqaan isbeddel xagga caadifiyadda taas oo keeneysa dhaqan iyo hab fakar duwan oo qofka silciya.
nefi  Ka n.: cid nasasho yar siin.
nefin  eeg nefi.
nefis1  1. Meel aan ciriir ahayn. 2. Waqti yar oo hawl laga nasto. ld nafis. nefis2  Hawl muddo yar ka nasasho. nefisid  eeg nefis².
neg  1. Wax aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Wax socdaal ka baaqday ahaansho. 3. Cid niyadda ka deggan ahaansho. ld nag, nagi², negi².
negaadi1  1. Dhaqdhaqaaq la'aan. 2. Socdaal laga baaqdo. ld nagaadi¹. negaadi2  Geeddi ka baajin; dejin. ld nagaadi². negaadin  eeg negaadi². ld nagaadin.
negaan  eeg neg. ld nagaan, nagaansho, nagi¹, negaansho, negi¹.
negaansho  eeg negow. ld negaan.
negayaal  (fiis.) Qayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
negayn  eeg negee. ld nagayn.
negee  Cid geeddi, socdaal iwm ka baajin. ld nagee.
negi1  ld negaan. negi2  ld neg. negow  Wax socod, geeddi iwm ka baaqday noqosho. ld nagow.
nejis  ld najaas¹.
nejisad  ld najaas².
nejisnimo  ld najaasnimo.
netuun  Mid ka mid ah meerayaasha aad u fog oo lix jeer dhulka ka weyn.
neyruus  1. Sannad qorraxeedka la tirsado bilowgiisa. 2. Dabbaaldeg la sameeyo sannad qorraxeedka dhammaadkiisa.
nibiri  ld neberi.
nicid  eeg nac².
nicmad  ld nicmo.
nicmee  Wax xag kasta ka barwaaqayn. ld nimcee.
page : 23 of 35
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>