Ereyga Maanta: meereysan
nashnaash1  1. Sii qurxinta wax hore u jiray sida dhismo, farsamo iwm. 2. Inta lagu kordhiyo hadal hore murtidiisa loo yiri. ld naashnaash¹. nashnaash2  1. Dhismo, farsamo iwm qurxin. 2. Hadal murtidiisa hore loo yiri wax ku darid. ld naashnaash². nashnaashad  ld nashnaashasho.
nashnaashan  Wax la nashnaashay ahaansho. ld naashnaashan.
nashnaashasho  eeg nashnaasho. ld nashnaashad.
nashnaashi1  Qurux iyo wanaag wax loo yeelay. ld naashnaashi¹. nashnaashi2  Qurux iyo wanaag wax u yeelid. ld nashnaash². nashnaashid  eeg nashnaash². ld naashnaashid.
nashnaashin  eeg nashnaashi². ld naashnaashin, naashnaashis, nashnaashis.
nashnaashnaan  eeg nashnaashan. ld naashnaashnaan, naashnaashnaansho, nashnaashnaansh.
nashnaashnaansho  ld nashnaashnaan.
nashnaasho  Wax nashnaash u yeelasho.
nashnashley  ld nash.
nashuug1  Tubaakada la calaashado. nashuug2  Tubaako calaalin. nashuugi  Nashuug ka dhigid (tubaako).
nashuugid  eeg naashuug².
nashuugin  eeg nashuugi.
nasi  Cid hawl muddo gaaban ka fadhiisin si daalku uga ba'o.
nasiib  Hoodo; cawo; ayaan.
nasiibdarro  1. Nasiib wacan la'aan. 2. Dhibaato; mushkilad. ld nasiibxumo.
nasiibwanaag  Hoodo iyo ayaan wanaagsan.
nasiibxumo  ld nasiibdarro.
nasiino  Xaalad hawl iyo dhibaato la'aaneed. ld nasiin.
nasin1  eeg nasi. nasin2  (c.nafl.) Meel dhalada ka mid ah oo aan lafoobin, lagana dareemi karo garaaca halbowlayaasha maskaxda. Waxaana lagu yaqaan dhallaanka ilaa gu'jirka ah, kaddibna way lafowdaa way xirantaa. ld nash. nasisasho  eeg nasiso².
nasiso1  ld nash. nasiso2  Nafley nasiino siisasho. nasnaan  eeg nasan. ld nasnaansho.
page : 18 of 35
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>