Ereyga Maanta: dalankacee
qunfulasho  ld qafilasho.
qunfulid  ld qafilid.
qunfulnaan  ld qafilnaan.
qunfulnaansho  ld qafilnaan.
qunfulo  ld qafilo.
qunjee  ld qujee.
qunjeyn  eeg qunjee. ld qujeyn.
qunjuraaf1  1. Jajab yaryar oo wax weyn oo dhammaa oo is-haystay ka soo go'ay. 2. Hambo. 3. Socod yar oo wax yar oo lagu noolaado lagu raadsado. qunjuraaf2  Xoolo meel unuunufid. qunjuraafid  eeg qunjuraaf².
qunsad  ld qunsasho.
qunsasho  eeg qunso. ld qunsad.
qunso  1. Xoolo iwm meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iwm meel marsasho.
qunsul  Qof diblomaasi ah oo dalka uu joogo dalkiisa wakiil uga ah bulshadiisa kana hooseeya safiirka.
qunsul xigeen  (taar.) Ninka ku xiga qunsulka (arrimaha qunsulliyadda).
qunsuliyad  Xafiiska qunsulka.
qunuud  (dii.) Duco la raaciyo salaadda subaxa, haddiise dhibaato timaadana la raacsho salaadaha kale.
qunux  Gabooye.
qunyar  Q. ama si q. ah: aayar, xasil, tartiib.
qunyarsocod  Q. ah: qof deggan oo dabci qabow dadka kula dhaqma.
qunyarsocodnimo  Qunyarsocod ahaansho.
qur  1. Naf; ruux. 2. Q. ah: tiro go'an oo aan wax kale kordhin. Tus. “Laba wiil oo q. ah ayaa xafiiska jooga.”
Qur'aan  ld Quraan.
quraac  Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; af-bilaw.
quraacasho  eeg quraaco.
quraaco  Quraac cunid.
Quraan  Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. ld Qur'aan.
quraan-akhris  1. Siyaarooyinka, Allabariyada oo Quraan dad badani ka akhriyaan. 2. Akhrinta la akhriyo Quraan.
quraanjo  ld quraanyo.
quraanqaad  (dii.) Xus loo sameeyo qof dhintay iyadoo Quraan loo akhrinayo.
page : 79 of 86
<< < 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 > >>