Ereyga Maanta: hirqad
riiqmid  eeg riiqan¹.
riiqnaan  eeg riiqan². ld riiqnaansho.
riiqnaansho  ld riiqnaan.
riiqo   1. (f.g) Khad dhuxul ka samaysasho. 2. (f.mg) Neef caato la socon waayid.
riiqriiqasho  eeg riiqriiqso. ld riiqriiqsi.
riiqriiqsi  ld riiqriiqsasho.
riiqriiqso   Nafley salka nuuxnuuxin si fadhigu ugu hagaago.
riir1  1. Googo'laga jaro weel, maro si afkeedu u sinnaado. 2. Cayil ay keento dhalid la'aantu. riir2  ld riiq². riir3   Weel, maro iwm afkooda wax ka jarjarid si uu u sinnaado. riiran   Weel, maro iwm wax la riiray ahaansho.
riiraxanyo  ld riiraxyo.
riiraxanyoo   ld riiraxyoo.
riiraxanyood  ld riiraxyood.
riiraxyo  Qufac badan oo isdabajoogo oo ka dhasha xadanto ku dhacda hunguri cadka. ld riiraxanyo.
riiraxyoo   Qof riiraxyo dareemid. ld riiraxanyoo.
riiraxyood  eeg riiraxyoo. ld rii-raxanyood.
riire  1. Nagaar udgoon oo sida reexaanta subagga lagu shiilo. 2. Qori xalleefsan, adag oo haragga xoolaha markuu qallalo hilbaha looga hoolo laguna jilciyo; hiige.
riirid  eeg riir³.
riirnaan  eeg riiran. ld riirnaansho.
riirnaansho  ld riirnaan.
riishad   Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.
riix1  Jirro dad iyo xoolaha ku dhacda oo lafo xanuun leh; tuf. riix2   Wax culus oo aan la qaadi karin xoog ku dhaqaajin. riixaan  Nagaar udgoon oo subagga lagu shiilo. ld reexaan.
riixan1   Wax, wax la riixay noqosho. riixan2   Wax la riixay ahaansho. riixasho  eeg riixo.
riixdin  1. ld riix¹. 2. Riixidda wax meeshii uu ku sugnaa laga dhaqaajiyo. ld riixtin.
riixgub1  Calaamad dab ah oo ka muuqata jirka qof ama neef xoolaad oo laga gubay cudurka riixa. ld riixgubid.
page : 27 of 40
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>