Ereyga Maanta: sibirayn
riyaaq2   U r.: wax dhacay ama la sameeyey aad ugu bogid. riyaaqid  eeg riyaaq². ld riyaaq¹.
riyaax1  1. Cudur dadka ku dhaca oo nafaqo la'aantu keento. 2. Jiirgo'iyo daal ka dhasha socodka dheer. ld rigaax³. riyaax2   1. (f.g) Qoryo, lafo iwm burburin. 2. (f.mg) Cudur nafaqo la'aani keentay qaadid. 3. (f.mg) Socod dheer dartii daal iyo jiirago'dareemid. riyaaxid  eeg riyaax².
riyaggooleeye  Geedgaab sida jeerinka u baxa oo dhirta daawada ka mid ah.
riyakudduul  Dabayl qafiif ah oo dhaxan leh oo diraacda dhacda.
riyannuug1  1. Orgi yar oo hooyadii nuuga. 2. Nin hungurixumo lagu dhalii-layo. riyannuug2  Abeeso-lugalay. riyaxire  Geedgaab faalala oo xooluhu daaqaan waxna lagu daaweeyo.
riyo   Wax qofku hurddada ku arko.
riyoo   Hurdo dhexdeed riyo arkid.
riyood  eeg riyoo.
RNA  (baay.) Iskudhis kakan oo orgaanik ah. Lagana helo unugyada nool kaas oo saameeya samayska borotiin. Fayrasyada qaarkood, RNAdu waxa kale oo ay u tahay walax hiddo side.
rodh   (c.nafl.) Nooc ka mid ah qaabile unug oo xasaasi u ah ilayska oo laga helo retiinaha lafdhabarleyda. Rodhisku waxay ka koobanyihiin midabsidaha rodhobsiin, waxaanay muhin u yihiin wax ku aragga ilayska daciifka ah. Rodhisku si saami ah uguma qaybsana ratiinaha, sababta oo ah waxay ka maqanyihiin foofaha, waxaanay ka buu-xaan liidka ratiinaha.
rodol   Halbeeg culayseed u dhigma 16 wiqiyadood (habka ingiriiska).
rog   1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoos marin; genbiyid; geddiyid. 2. Ka r.: ka qaadid; ka faydid. 3. Ka r.: alaab meel saaran ka dejin; ka wareejin. 4. Ku r.: ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid. 5. Dib ugu laabid. 6. U r.: af af kale ku fasirid, ku tarjiumid. 7. Xoolo jaho foolkoodu aaddanaa jaho kale u jeedin.
rogaal1   1. Faras ama rakuub aad u jarabaran. 2. U soo dabbaalidda meesha laga ugaarsanayo loo soo dabbaalo ugaar. 3. R. ah: nooc kooraha geela ka mid ah oo labada dacal ee afkeedu kor u taaganyahay. 4. Badinta qoraal lagu badiyo jikolostiil. rogaal2  (xis.) Tirada hal oo loo qaybiyey tiro ama tibaax kale. Tussale ahaan, rogaalka 2 waa 1/2; rogaalka x2 + 1 waa 1/x2 + 1 . Taranka tibaax kasta iyo rogaalkeeda waa hal. rogaal3   1. ld rogaalcelin. 2. Beer carrageddiyid. rogaalceli   Col meel uu weeraray mar kale ku noqosho.
rogaalcelin  eeg rogaalceli. ld rogaal³ (1), rogaalcelis.
rogaalcelis  ld rogaalcelin.
rogaali   Koor qaab rogaal ah u sameyn.
rogaalid  eeg rogaal².
rogaalin  eeg rogaali. ld rogaalis.
rogaalis  ld rogaalin.
rogad  ld rogasho.
rogan1   1. Wax dhankii hooseen lahaa sareeyo noqosho. 2. Sidiisii hore wax ka duwan noqosho. 3. Fure hal mar sakatuuro ku wareegid. 4. Reer ama dad tirtirmid. 5. Ka r.: meel biyo ka dulundulcoobid. rogan2   1. Wax dhiniiciisa hoose la sarraysiiyay ahaansho. 2. Wax gaadiid laga dejiyay ahaansho (rar). 3. Wax isteensal lagu badiyay ahaansho (qoraal). 4. Ku r.: wax, wax kale ku gambisan ahaansho. 5. Ka r.: wax meel agteeda ku sugan ahaansho.
page : 30 of 40
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>