Ereyga Maanta: jaw
roob-deyreed   (c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ee ugu badan roobabaka ka da'a Bariga Afrika, sannadkii, laga billaabo Oktoobar ilaa Disembar.
roob-gu'eed   (c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ugu waaweyn midkood oo sannadkii laga helo Afrikada Bari, kaas oo da'a inta u dhexeysa bilaha Febraayo iyo May.
roobabbow  Wakhti roob da'ayo.
roobban   Dhul wax roob helay ahaansho.
roobbanaan  eeg roobban. ld roobbanaansho.
roobbanaansho  ld roobbanaan.
roobbeeg   Qalab lagu cabbiro heerka roob da'ay.
roobdhaxaad  R. ah: hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.
roobdoon1  Baryo banbax leh oo Alle roob lagu weyddiisto. roobdoon2   Alle roob weyddiisasho. roobdoonid  eeg roobdoon².
roobgaras  Roob xilliga diraacda ah da'a.
roobi   1. Roobdoon akhriyid. 2. Roob saadaalin.
roobin  eeg roobi.
roobladhac  Cayayaan jurmi yar oo midab guduudan leh oo kudkudaha u eg oo la arko marka roob da'o kaddib.
roobraac1  U guuridda loo guuro meel roob ka da'ay. roobraac2   Nafley meel roob ka da'ay aadid. roobraacid  eeg roobraac².
roobsad  ld roobsasho.
roobsasho  eeg roobso. ld roobsad.
roobso   Roob helid.
roobsugow  Furuuruc yaryar oo oogada dadka ka soo yaaca waqtiga kulaylaha ah; xaraarad.
roogsasho  eeg roogso. ld roogsi, rorogsasho, rorogsi.
roogsi  ld roogsasho.
roogso   1. Qof fadhiyey istaagid. 2. Qof socda joogsasho. ld rorogso.
rookayn  eeg rookee.
rookee   Wax rooko ka dhigid.
rooko  Joojinta la joojiyo wax isticmaal-kooda.
roomad   Ul dheer, dhumuc weyn oo guryaha miyiga iyo carshaanta lagu dhiso.
roon   Cid aan dhibaato qabin ahaansho.
page : 32 of 40
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>