Ereyga Maanta: joohaar-bibiish
su'  1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la da-brayo.
su'aal1  Hadal cid loo jeediyo si jawaab qusaysa wayddiinta looga helo. su'aal² lg1 (-aalay, -aashay) Si jawaab looga helo cid weyddiin u jeedin. su'aalid  eeg su'aal².
subaac  Dugaagga xoolaha cuna.
subac  1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
subag1  1. Burcad la shiilay caaneeyada laga saaray miidda ka soo harta. 2. Baruurta la shiilo miidda ka soo baxda oo aan fariisan. subag2  Wax subag marin. subagle  Geed dheer oo aan qodax lahayn oo leh dhacaan subag la moodo.
subagmadoobe  1. Wan weyn oo shan sano iyo ka badan gaaray. 2. Subagga laga shiilo wan weyn oo aan fariisan.
subax  Qaybta ugu horreysa maalinta gelinkeeda hore.
subbeehi  Askari aan derejo lahayn; dable.
subboosto  Dawo saxar-mareenka laga qaato.
subci  Subac akhrin.
subcin  eeg subci. ld subcis.
subcis  ld subcin.
subeeci  ld subeeciyad.
subeeciyad  Maro xariir ah, midabyo badan leh oo faraqyo iyo xiddo loo yeelo. ld subeeci.
subeen  ld sabeen.
subeenxir1  ld sabeenxir¹. subeenxir2  ld sabeenxir². subeenxirid  ld sabeenxirid.
subkad  ld subkasho.
subkan  Wax subag marsan yahay ahaansho.
subkanaan  eeg subkan. ld subkanaansho.
subkanaansho  ld subkanaan.
subkasho  eeg subko. ld subkad.
subkid  eeg subag².
subko  Subag mar-sasho.
subuqsubuq  Socsocod badan oo aan ujeeddo lahayn.
subxaan  Magacyada Alle mid ka mid ah.
page : 105 of 118
<< < 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 > >>