Ereyga Maanta: sibirayn
talaggal1  1. T. ah: qof talo bixin kara; ujedda; qorshe. 2. ld talaggelid. talaggal2  Ku t.: wax qorshaysasho. talaggeli  Qof wax kala tashasho.
talaggelid  eeg talaggal². ld talaggal¹ (2).
talaggelin  eeg talaggeli.
talajeedin  Soo t.: fikrad laga dhiibto arrin.
talajir  Ku t.: wax samayntooda ku talaggelid.
talajirid  eeg talajir.
talal1  Taah. talal2  Nafley taahid. talalid  eeg talal².
talambaabo  Wax si joogto ah uga fe-kerid.
talantaalli  1. Wax si kala googo'an oo waqti u dhexeeyo u dhaca. 2. Laba xaglood oo isla eg oo iska soo horjeeda.
talanteel1  ld teelteel¹. talanteel2  ld teelteel². talanteelid  ld teelteelid.
talaqaadasho  eeg talaqaado.
talaqaado  Waano qaadasho.
talarraac  Qof madax adkayn oo talada si sahlan u qaata.
talasaarad  ld talasaarasho.
talasaarasho  eeg talasaaro. ld tala-saarad.
talasaaro  Cid arrin u wakiilasho.
talaxgab1  ld talaxgabid. talaxgab2  Nafley jirro awgeed la tamardhigid. talaxgabid  eeg talaxgab². ld talaxgab¹.
talaxtag  Ku t.: wax aad ugu xadgudbid.
talaxtegid  eeg talaxtag.
taleefan  1. Qalab hirar birlab danabeedka ku qaada silig oo leh qayb hadalka dirta iyo mid qabata oo ay ku wada hadlaan laba qof oo kala fog. 2. Hadalka taleefoonka la isku gaarsiiyo. ld telefoon.
talfiiq  Qoryo yaryar oo caarad dhuuban oo wax mudda leh.
tali  1. U t.: cid meel xukumid. 2. Ka t.: meel xukunkeeda qabsasho. 3. Ku t.: arrin talo ka bixin.
page : 16 of 60
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>