Ereyga Maanta: dhiifoonaan
taharow  (daaw.) Soohyada oo adkaada si dadban waxay ka timaaddaa dhaawac buskooday ama raystay.
taharowga halbowlayaasha  (daaw.) Qayb xididka gudihiisa ka mid ah oo adkaatay ka dib markay xayri fariisatay, taasu waxay yaraynaysaa wareegga dhiigga waxayna keenta in xididku xirmo.
tahbiib1  ld tahbiibid. tahbiib2  Ku t.: cid wax inay samayso ku qasbid. tahbiibid  eeg tahiib². ld tahbiib¹.
tahdiid  U cagajuglayn (cid), u dhaarasho, bajin.
tahlid  eeg tahal.
tahliil  Biyo quraan lagu akhriyey oo la cabbo ama lagu mayrto si barako ama fayoobi looga helo. ld taxliil².
tahliili  U t.: cid tahliil u tufid.
tahliilin  eeg tahliili. ld taxliilin.
tahluuko  Dhibaato weyn.
tahna  Waxyarna; inyarna; inna.
tahniyad  Hadallo qof wax uu ku farxo helay loo jeediyo; hambalyo.
tajwiid  Cod aad u qurxoon oo quraanka lagu akhriyo.
takar  Gendi.
takaradhabad  ld takaradabasho.
takaradhabasho  eeg takaradhabo. ld takaradhabad.
takaradhabo  Xoolo seynta, afka iyo galgalasho takar isaga celin.
takfi  Qaniin yaryar, dhiig ku nool ah, boodbooda, oo dharka, furaashyada ama darmooyinka lagu seexdo gala; booddo.
takh1  Badbadka soorta. ld takhid. takh2  Soor karaysa badbadid. takhaatir  eeg takhtar. ld dhakhaatiir.
takhallus  Ka t.: 1. Cid ama wax khaarijin. 2. Arrin faro ka qaadid.
takhallusid  eeg takhallus.
takhantakhayn  eeg takhantakhee. ld takhantakhin, tukhuntukhayn, tukhun-tukhin.
takhantakhee  Cid iyadoo jeegada la hayo hore u ridid. ld takhantakhi, tukhuntukhee, tukhuntukhi.
takhantakhi  ld takhan-takhee.
takhantakhin  ld takhantakhayn.
takhantakho  Qof isxejinaya oo xoog horay loogu wado, loo harbiyo. ld tukhun-tukho.
takhantakhoo  Qof la harbiyay hore u turunturrood. ld tukhun-tukhoo.
page : 14 of 60
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>