Ereyga Maanta: hiilley
taftaafnaan  eeg taftaafan. ld taftaafnaansho.
taftaafnaansho  ld taftaafnaan.
tafwareemad  ld tafwareemasho.
tafwareemasho  eeg tafwareemo. ld tafwareemad, tafwareemid.
tafwareemid  ld tafwareemasho.
tafwareemo  1. Xoolo la soo dhacay bar goosasho. 2. Col dhinac ka weerarid. ld tafwareen.
tafwareen  ld tafwareemo.
tag1  1. Guur. 2. Nasiib. tag2  1. (f.g) Cid meel aadid. 2. (f.mg) Ka t.: wax dayn ama dhaafid. 3. (f.mg) Kala t.: cid wax kala baxsasho; kala bixid. 4. (f.mg) U t.: u imaansho; la kulmid; nin naag u galmoosho. 5. (f.mg) Ku t.: meel la tagayo gaadiid u raacid; wax la qaatay ka samrid. 6. (f.mg) Ula t.: arrin iwm cid la kaashad. 7. (f.mg) Uga t.: wax cid ku dhaafid. 8. (f.mg.) La t.: qaadasho; wadasho; kaxaysasho; raacid. tagaabee  Cid taageerid.
tagaabeyn  eeg tagaabee. ld tagaabo (2).
tagaabo  1. Kaalmo; waxtar; taageero; macaawino. 2. ld tagaabeyn.
tagagsi  Nolol xun oo maceeshaddu ciriiri tahay. ld fagagsi.
tagfi  Booddo.
tagoog  Xubinta cududda iyo majinta u dhaxaysa. ld tagoogo.
tagoogo  ld tagoog.
tagrifal1  ld tagrifalid. tagrifal2  Ku t.: wax aan la lahayn idan la'aan isticmaalid. tagrifalid  eeg tagrifal². ld tagrifal¹.
tagsasho  eeg tagso. ld tagsi.
tagsi  1. ld taksi. (-iyo, m.dh) Baabuur yar oo la kireysto. 2. ld tagsasho. Guur; tag.
tagso  1. Gabar guur dartiis ula bixid. 2. Ku t.: wax lunsasho.
tagto1  Waqti la soo dhaafay. tagto2  (nax.) Qaab faleed tilmaama ammin tagay. tahal  Wax isku dayid.
tahan  1. Xoog. 2. Aan waxba lagala harin.
tahantoog1  1. Xisaab qaldan. 2. ld tahantoogid. tahantoog2  Xisaab qaldid; qiyaas qaldid. tahantoogid  eeg tahantoog². ld tahan-toog¹ (2).
tahar  1. Hilib aan baruur iyo jiir midna lahayn oo adag. 2. Hilib weyd ah.
page : 13 of 60
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>