Ereyga Maanta: dhiifoonaan
takhantakhood  eeg takhantakhoo. ld tukhuntukhood.
takhasus1  ld takhasusid. takhasus2  Ku t.: maaddo ama farsamo si gaar ah u barasho. takhasusid  eeg takhasus². ld takhasus¹.
takhid  eeg takh². ld takh¹.
takhsiir1  Ganaax, ciqaab. takhsiir2  Qof gef sameeyey hanti ciqaab ahaan uga qaadid; ganaaxid. takhsiirid  eeg takhsiir².
takhtad  Alwaax sida santuuqa u samaysan oo alaabta la dhoo-finayo lagu rido.
takhtar1  Qof aqoon u leh cilmiga daaweynta. ld dhakh-tar. takhtar2  Cid daawayn. takhtaran  Daawaysan.
takhtarnaan  eeg takhtaran. ld takhtarnaansho.
takhtarnaansho  ld takhtarnaan.
takhtarnimo  Takhtar ahaansho. ld dhakhtarnimo.
takhti  T. ah: shay aan wax kale ku labnayn; saafi.
taki  ld kati.
takoor1  1. Wax gardarro lagu qaato ama lagu doono. 2. Inta kale wax ka baxsan, ka soocan. 3. vr. takoorid. takoor2  (bul.) Hab lagu kala kaxeeyo dad kala jinsi, diin, midab, iwm. takoor3  Qof dad kale ka soocid jirro ama sabab kale awgeed. takooran  Qof la takooray ahaansho.
takoore  (xis.)Tibixda (b2-4ac) ee isle'eg saabley ee leh sansaanka ax2+bx+c=0. Haddii xididdada isle'egtu ay isle'egyihiin, takooraha waa eber. Tusaale ahaan, isle'egta x2-4x-6=0, b2-4ac=25 xididdaduna waa 2 iyo -3. Haddii takooruhu yahay tabane, xididdada isle'egtu waa tirooyin murakab ah. Tusaale ahaan, isle'egta x2+x+1=0 waxa ay leedahay xididdada [-1/2-(V3/2)]i iyo [-1+(V3/2)]i.
takoorid  eeg takoor³. ld takoor¹ (3).
takoorin  Lafta misigta madaxeeda.
takoornaan  eeg takooran. ld takoornaansho.
takoornaansho  ld takoornaan.
taksi  ld tagsi (1).
tal  1. Dun xariir ah oo maryaha lagu qurxiyo. 2. T. ah: qof aad u marqaansan ama u sarqaansan.
talaado  Todobaadka maalin ka mid ah oo u dhaxaysa isniinta iyo arbacada. ld salaasa.
talaammiin  Dadka inta aan birta tumin.
page : 15 of 60
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>