Ereyga Maanta: bedertami
waq  1. ld waaq. 2. Lifaaq xagga hore kaga daba karma magacuyaalka oo ka dhiga hawl weligeedba socota. Tus. “ Waqay, waqood”.
waqaf1  Hanti maguurto ah oo Ilaah dartiis loo hibeeyay. waqaf2  Hanti maguurto ah Ilaah dartiis u hibayn (sida guri). waqal  1. Daruur biyeysan. 2. Roob.
waqcad  1. Waxyeello weyn. 2. Goob dagaal taariikhdiisa la wada hayaa uu ka dhacay. 3. Dagaal caan ah.
waqdhaac1  ld waqdhaacid. waqdhaac2  Xoolo Allabari dartiis u qalid. waqdhaacid  eeg waqdhaac². ld waqdhaac¹.
waqdhaacin  (dii.) Xoolo Ilaah dartiis loo qalo oo lagu ducaysto. ld waqdhaac¹.
waqdhis  Dhismo meel laga taago oo lagu xusuusanayo qofdhintay oo qabrigiisu meel kale ku yaal.
waqfid  eeg waqaf².
waqlal1  ld walqal¹. waqlal2  ld walqal². waqlalid  ld walqalid.
waqooyi  ld woqooyi.
Waqooyiga Ameerika  (juqr.) Waqooyiga Ameerika (Af-Ingiriis: North America; Af-Carabi: أمريكا الشمالية) waa qaarada shanaad ee ugu wayn deegaanda dhulka. Qaaradani waxaa ku yaala sadex wadan oo kali ah, kuwaasi oo kala ah: Kanada, Mareykanka, Meksiko.
waqti1  1. Waa; goor; jeer; shin; ammin. 2. Xilli; nur. ld wakhti. waqti2  (fiis.) Summad t. Xaddiga sahla in aynu kala saarno laba dhacdo oo isku mid ah, kana dhacay isku meel. Gaalis u dhexeeya labadaa dhacdo ayaa ah aasaaska cabbirka waqtiga. waqtilumis  1. Waqtiga oo aan laga faa'iidaysan. 2. Waxyaabo laysku maaweeliyo oo waqtiga laysku dhaafiyo, sida shax, turub iwm.
waqtiqaadasho  eeg waaqtiqado.
waqtiqaado  Raaxaysasho.
war1  1. Wax aan hore loo ogeyn oo laysu sheego. 2. Hadal. war2  Meel weyn oo la qoday oo biyuhu fariistaan. war3  ld waryaa. war4  Wax qorrax iyo dabayl u dhigid. waraab1  1. Biyo siinta xoolo oomman biyo la siiyo. 2. W. ah: beer aan roob ku bixin oo webi, il iwm laga biyo siiyo. 3. ld waraabid. waraab2  Ku filqinta biyaha dhulka dushiisa si aan dabiici ahayn, si loo fududeeyo ku beerista dalagga meel haddii aan la waraabin bixiddiisu aysan suurtagal ahaan lahayn, roobka oo ku yar awgeed. waraab3  Biyo cabbid. waraabadadow  W. ah: qof qori isku dhufta oo waraabe isu beddela; qori-ismaris (sheko-baralay).
waraabalahadal  W. ah: qof cida dhurwaaga yaqaan oo fasira.
page : 18 of 40
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>