Ereyga Maanta: bedertami
wanjaaci  Ka w.: wax cid ka leexin.
wanjiaacin  eeg wanjaaci.
wankalaali1  Bootin dheer oo fardaha iwm sameeyaan. ld wankalaalis. wankalaali2  Faras iwm, tog ka bootin. wankalaalin  eeg wankalaali². ld wankalaali¹, wankalaalis.
wankalaalis  ld wankalaalin.
wanniq  Geednagaar caleemo yaryar iyo laamo dhuudhuuban leh.
wanqaari  Qof dhibaato jir u geysasho. Tus. “Caasho wiilkii bay wanqaartay”.
wanqaarin  eeg wanqaari.
wanqal  ld waqlal.
wanqar1  Dhaawac halis ah. wanqar2  1. (xis.) Guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaranyahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddel karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed. 2. (xis.) Shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaranyahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar. wanqar3  Ugaar, xoolo iwm iyada oo uur-kujirta laga saarayo calool ka dillaacin. wanqaran  Wax la wanqaray ahaansho (nafley).
wanqarid  eeg wanqar².
wanqarnaan  eeg wanqaran. ld wanqarnaansho.
wanqarnaansho  ld wanqarnaan.
wanshiir  Nafley daalid.
wanshiirid  eeg wanshiir.
wansiix1  Caano la lulayo oo subag ama firfir billaabay markaas. wansiix2  Caano la lulayo firfir ama subag yeelasho. wansiixi  Caano wansiix ka dhigid.
wansiixid  eeg wansiix².
wansiixin  eeg wansiixi.
wansiixsan  Caano la lulay wax wansiixay ahaansho.
wansiixsanaan  eeg wansiixsan. ld wansiixsanaansho.
wansiixsanaansho  ld wansiixsanaan.
wantatiir1  ld fantatiirid. wantatiir2  ld fantatiir². wantatiirid  ld fantatiirid.
page : 17 of 40
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>