Ereyga Maanta: bedertami
waraabaqandhis  Caano dhaynimo ka baxay oo aan aad u suusucin.
waraabe  Dhurwaa.
waraabe-ligis  Nooc waraabaha ka mid ah oo meesha uu qaniino aysan dhaqso bogsan.
waraabi  1. Cid oomman biyo la cabbo siin. 2. Beer oomman biyo ku duwid.
waraabid  eeg waraab². ld waraab¹.
waraabin  eeg waraabi. ld waraabis.
waraabis  ld waraabin.
waraaboobid  eeg waraabow³.
waraabow1  Cudur xun oo laysku qaadsiiyo isu tegidda ragga iyo dumarka ama lala dhasho; xabbad. waraabow2  (daaw.) Cudur muddo dheer oo ka mid ah cudurrada galmada, waxaana keena baktiiriyuunka “trepopnema pallidum” oo jirka ka gala meel dhawac ah. waraabow3  1. Waraabe noqosho. 2. Wax hilib badan cuna noqosho. waraabsan  1. Nafley wax la waraabiyey ahaansho. 2. Beer wax biyo lagu sii daayey ahaansho.
waraabsanaan  eeg waraabsan. ld waraabsanaansho.
waraabsanaansho  ld waraabsanaan.
waraabsasho  eeg waraabso.
waraabso  1. Nafley oomman biyo siisasho. 2. Beer oomman biyo ku duwasho.
waraaq  1. Baalaal xalxalleefsan, jilicsan oo badanaa wax lagu qorto. 2. Xaashi qoran oo laysu diro. ld warqad.
waraar  1. Neef iwm oo inta wada jir loo qasho qiimihiisa la qaybsado. 2. Oogada nafleyda meel ka mid ah; duud; waraq. 3. Buur gollaheeda; jeex.
waraarad  ld waraarasho.
waraarasho  eeg waraaro. ld waraarad.
waraari  Wax ruxid ama jiljilid (gilgilid).
waraaro  Neef si wada jir ah u qalasho iyada oo qiimihiisa la wada bixinayo.
waraaryid  eeg waraari.
waraase  ld waraasi.
waraasi  1. Midab cawl ah oo lo'du yeelato. 2. Caano dhay ah, cabbaar yiil oo xoortii ka dhacday, labeenna soo yeelanaya. ld waraase.
warac  1. Qof dhowrsoon oo xumaha ka fogaado. 2. Qof ragannimo leh; geesi ah. 3. Labada gollood ee buurta middood.
waraf  Xarig qaylo dheer oo lagu ilaalsho beeraha; qawle; jacle; jeedalqawle.
waraf1  Welwel ama xanuun lala seexan waayay. ld weref¹. waraf2  Welwel ama xanuun la seexan waayid. ld weref². waran1  Qalab lagu dagaallamo oo ka samaysan bir ballaaran oo labada dhinac af ku leh iyo caarad dhuuban, ul xooggan iyo taki.
page : 19 of 40
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>