Ereyga Maanta: firikhi
weelduwid  eeg weelduw². ld weelduw¹.
weer1  1. Bahal dugaagga ka mid ah oo dhurwaaga u eg; dhidar. 2. Cad maro ah oo cad oo madaxa lagu xirto oo astaamaha tiiraanyada lagu muujiyo; hangal. weer2  (nax.) Ereyo taxan oo micne buuxa leh; yacni wadajirka khabarka iyo mawaadiicdiisa; hawraar. weer3  Weer xirasho. weeraami  Weel subag ama caano fadhiyaa ku jiraan aayar u ruxid.
weeraamin  eeg weeraami.
weerar1  Dagaalka ciidanka cadawga lagu dhufto, lagu bilaabo ama lagu qaado. weerar2  Cid duullaan ku qaadid. weerargal1  ld weerargelid. weerargal2  Col weerar qaadid. weerargelid  eeg weerargal². ld wee-rargal¹.
weerarid  eeg weerar². ld weerarniin.
weerarniin  ld weerarid.
weerasho  eeg weero.
weercalaan  Bahal weerka iyo dawacada u dhexeeya.
weerdawac  Bahal weerka iyo dawacada u dhexeeya.
weereyn  (nax.) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.
weerid  eeg weer³.
weero  Weer xirasho.
weershe  Qof iin indhaha ku leh.
wees  1. Geed faalala oo xooluhu, siiba geelu daaqo oo ur aad u lifaaqoon leh. 2. Ballaar; waasac.
weesaggad  Geed ur qurmoon oo jeerinka u eg.
weesaysad  ld weesaysasho.
weesaysi  ld weesaysasho.
weesayso  Salaad ka hor weeso qaadasho.
weeso  1. (dii.) Mayrid la mayro xubnaha qaarkood oo faral ah,la'aanteedna ayan salaadu ansixi karin. 2. (dii.) Biyo yar oo xubnaha qaarkood lagu mayro si loo tukado. 3. (-ooyin, m.l) Ubbo. ld weyso.
weetee  Qof ama wax joojin.
weeteyn  eeg weetee.
weeyaan  ld weeye.
weeye  Qurub lagu muujiyo tiraab weereedka marka uusan fal ahayn. Tus. “Ninkanu macallinka cusub ee dugsiga weeye”. ld waaye, weeyaan.
page : 31 of 40
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>