Ereyga Maanta: firikhi
wefdi  ld wafdi.
wegdo  ld wagdo.
wegen  1. Boqol fardo ah. 2. Xeyn; koox; horin.
weger1  Geed qorigiisu aad u bixi adagyahay. weger2  Erey la yiraahdo kolka la arko wax lala yaabo. wegered  ld wagarad.
wegeredee  ld waga-radee.
wegeredeyn  ld wagaradeyn.
wehel  Nafley, nafley kale la jirta oo ka ilaalinaysa cidloodka.
weheli  Qof, qof kale wehel u noqosho. ld wehli.
wehelin  eeg weheli. ld wehelis.
wehelis  ld wehelin.
weheliyaha fididda dhererka  (fiis.) Summad a. Korodhka dhererka adke ee hal halbeeg oo dherer ah, marka heerkulku kor u kaco hal digrii. Selsiyas (1 C°), cadaadiskuna yahay madoorsoome.
weheliyaha isliska neg  (fiis) Summad m. Saamiga xoogga isliska ee suurtaggalka ah uguna sarreeya iyo xoogga ku ligan dulaha is taabanaya m = Ff/Fn. Ff taas oo Ff - ay tahay xoog isliska, Fn - ay tahay xoog liganaha.
weheliyaha qallocsanka sugan  (fiis.) Summad na. Saamiga keynaanka ilayska ee madhane iyo keynaanka ilayska ee dhextaal Na = C/Co taasoo C - ay tahay xawaaraha ilayska ee madhane, Co - ay tahay xawaaraha ilayska ee dhextaal.
weheliyaha qalloocsanka  (fiis.) Summad n. Saamiga saynka xagal abbaarka iyo saynka xagal qalloocsanka. Eeg weheliyaha qalloocsanka sugan.
wehelyeel1  ld wehelyeelid. wehelyeel2  U w.: wehel u ahaan, u noqosho. wehelyeelid  eeg wehelyeel². ld wehelyeel¹.
weheshad  eeg wehesho. ld weheshi.
weheshi  ld weheshad.
wehesho  Qof wehel ka dhigasho.
wehliye  (xis.) Guud ahaan, taranka dhammaan isirrada ku jira tibaax marka laga reebo isir magacaaban. Tibixda 5xy; 5 waa wehliyaha xy, x waa wehliyaha 5y, y waa wehliyaha 5x, 5x waa wehliyaha y iwm. Sida badan wehliye waxa loo qaataa isirka madoorsoomaha ahee ku jira tibix.
weji  Madaxa dadka intiisa horay u soo jeedda ee u dhexeysa foodda ilaa iyo lafta garka, dhegta ilaa dhegta kale oo indhaha, sanka iyo afku ku yaalliin; fool; jaah. ld waji.
weji dhexe  (baay.) Heerka ugu weyn ee qaybsanka bu'da, kaas oo xuubka bu'du uu baaba'ayo, koromosoomyaduna ay imanayaan badhtanka xiddigaha, kaddibna waxa bilaabma kala durugga koromaati-dhyada.
weji didsan  (kiim.) Xaalad atam, molikuyuul, ama hab kale oo leh tamar ka badan tan uu leeyahay marka uu degganyahay.
weji gebagabo  (baay.) Heerka afraad ee qaybsanka unugga; kaas oo ah marka ay koromaatidhyadu gaadhaan cidhifyada, saytobalaasamkuna uu qaybsamo ee uu sameeyo laba unug oo mataana ah oo kala soocan. Waxa baaba'a miiqyada iyo xiddigaha iyaadoo bu'yarada iyo xuubka bu'da ee unug mataan kastaa dib u samaysmo iyo koromosoomyada oo dib u soo ceshada qaabkoodii dunta oo kale ahaa.
weji ogsidhayn  eeg ogsidhayn.
weji-dayaxeed  (c.fal.) Heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa, iwm.
wejibbax  Weji aan furfurnayn oo kolka qof la arko la duuduubo; wajikaduud.
page : 32 of 40
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>